|

DAAWO- 20 Ruux oo ku Nafwaayey Qaraxii Jidka Dabka ee Muqdisho-video.

Illaa 20 ruux ayaa ku geeriyootay qarax xooggan oo galabta ka dhacay agagaarka Hotelka Wehliye ee Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxa uu qof kaxeynayay, kaasoo goobta istaagay, wax yar kaddibna uu qarxay, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray Bajaaj wadada marayay oo gaarayay in ku dhow shan bajaaj.

HALKAN KA DAAWO MUQAALKA….

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in 14 ruux ay ku dhinteen 8 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa mid xooggiisa laga maqlay degmooyin ka mid ah Muqdisho.

Halka uu qaraxa ka dhacay oo ka soo horjeeda Hotelka Wehliye waxaa dhow jeer oo hore ka dhacay qaraxyo, waa goob aad u mashquul badan oo ay ku yaallaan maqaayad iyo dukaamo ganacsi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ka dhacay agagaarka Hotelka Wehliye, iyadoo sheegtay inay ku dishay mas’uuliyiin iyo saraakiil amni, hase ahaatee dadka ugu badan ee ku dhintay ayaa ahaa dad rayid ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58824

Posted by on Mar 22 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...