|

Daawo:-Maamulka Somaliland muxuu ka yidhi go,aankii Dowladda Somalia Dalka kaga caydhisay Shirkadda DP World -Video

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia uusan waxba u dhimi doonin Somaliland.

Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in baarlamaanka Somalia uu qaatay go’aan iyaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay inaanu waxba ka khuseyn go’aan waliba oo kasoo baxa dowlada Somalia.

‘’Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia waxa uu lamid yahay go’aan uu gaaray shaqsi aan waxba kala socon adduunka, waxaan u sheegeynaa dowlada Somalia inay iska ilowdo waxa ay ku riyooneyso ee weli ku jira maankeeda’’

Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in Somalia ay la yihiin dal dersi ah iyaguna ay yihiin kuwo ismaamula oo deris al ah Somalia isla markaana aan uga sokeyn Ethiopia iyo Uganda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

‘’Waxaan dowlada Somalia ugu baaqi lahaa inay go’aankeeda uusan ka beerdaroobin oo ay qaado talaabada ay is leedahay waxbaad kusoo celinkartaan waayo waxaan ogahay inuu wakhti ka qasaari doono oo aanu waxba ka khuseyn go’aan waliba’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkada DP World ay ku saxan tahay go’aanka ay ku laashay amarka dowlada Somalia, hase ahaatee waxa uu tilmaamay inay u harsan tahay kaalintooda.

Haddalka Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, ayaa kusoo beegmaaya xili baarlamaanka Somalia uu shirkada DP World ka mamnuucay guud ahaan Somalia.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58345

Posted by on Mar 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...