|

Xildhibaanadda Soomaaliya oo maanta fadhi iyo Dood adag ka yeelanaya Heshiiska Dekedda Magaalada Berbara..

Mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay xarunta golaha shacabka ku yeeshaan kulankii koowaad ee kalfadhiga 3-aad

Xildhibaanada ayaa kulankan koowaad kaga doodi doono heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee ay dhawaan imaaraadka ku kala saxiixdeen shirkada DP World,Somaliland Iyo Itoobiya,kaasoo mudooyinkii ugu danbeeyey uu muran xoogan ka taagnaa

Raysul wasaaraha soomaaliya xasan cali kheyre ayaa kal hore isagoo matalaya xukuumada soomaaliya ka soo horjeestay heshiiska,waxaa sidoo kale heshiiskan qaadacay xubno ka tirsan golaha wakiilada somaliland

Fadhiga Barlamanka waxaa maanta Shir Gudoomin doonaa Gudoomiyaha Barlamanka soomaaliya prof maxamed sheekh cismaan jawaari,waxana sabtidi kalfadhiga 3-aad si rasmi ah u furay madaxweynaha jamhuuriyada fedraalka soomaaliya

Wixii ka soo baxa kala soco wararkeena xiga haduu eebe idmo

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58276

Posted by on Mar 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...