|

Daawo:-Wasiiro ka dareeray Maamulka Khaatumo,eedo culusna dusha ka saaray Cali Khaliif Galaydh-Video

Safiya cali Caateeye iyo Maryan Xasan Diiriye (Goonle) oo   Shir jaraa’id ku Qabtay magaalada Buuhoodle  ayaa sheegay inay iska Casileen Xilkii Wasiirnimo ee ay ka hayeen maamulka Khaatumo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay eedayn usoo jeediyeen Madaxwaynihii Khaatumo  Cali Khaliif Galaydh, Waxayna sheegeen inuu ka Baydhay Dariiqii loo sameeyay Khaatumo, Islamarkaana uu ka dhigay wax uu leeyahay isagu oo Somaliland uu ku daray, Iyagoona Xusay inaysan marnaba Arintaasi uga fadhiyin.

Ugu dambayntii Waxay Fariin u direen  guud ahaanba Bulshada Khaatumo, Waxaana Su’aalo laga waydiiyey Sababta keentay inay iska Casilaan xiligan  Khaautmo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58271

Posted by on Mar 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Wasiiro ka dareeray Maamulka Khaatumo,eedo culusna dusha ka saaray Cali Khaliif Galaydh-Video”

  1. Bismillaah

    Waxa lala yaabanaa, sababta uu u qabsoomi waayey kalfadhigii golaha wakiilada ee khaatumo, waxa caddeeyey, sabatii uu u qabsoomi waayey 2dii wasiir ee shalay iscasilay, wayna ku mahadsan yihiin, caddaynta Dr. Ali inuu sirxan yahay, oo furdaamo u baahan yahay. Xagee lagu arkay madax sidii kilo sonkora is dhiibay, oo isu dhiibay duulkii ay is hayeen.

    Codsi Dr. Galayr is casil, waayo waxaad dhawr jeer iclaamka ka caddaysay inaan lagula wadin heshiiskii aad la waday Hargeysa, waxay dareensanaayeen ama qabeen reer Khatumo waxaa kuu shegay 2da wasiir ee xilkii ay kula hayeen iska casilay, fool-xumada ka muuqatay qaab siyaasadeedkii aad waday. Shacabka Khatumo intiisii badnayd ee diidanayd habka aad wax u waday, waxay iclaamiyeen 3 asbuuc ka dib inuu shir dhici doono (15 ka April), adiguna ka soo qayb gal, ama is casil inta ka horeysa, sida 2dii wasiir ee shalay dhawaaqay. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...