|

Daawo:-Dowladda Shiinaha oo sharci ka dhigtay in uu xilka hayo ilaa uu ka dhinto Madaxweynaha Waddankaas Xi Jinping-Video

Dowlada Shiinaha ayaa ansixisay in Madaxweynaha dalkaas Xi Jinping uu xilka hayn karo inta uu nool yahay.

Isbedelka lagu sameeyey dastuurka dalka Shiinaha ayaa waxaa ansixiyay kulanka sanadlaha ah ee National People’s Congress.

U codeynta ansixinta sharcigan ayaa waxaa diiday labo xubnood oo kaliya halka saddex kale ay ka aamustay iyadoo ay oggolaadeen 2,964 mudane. Sanadkii 1990kii ayay dowlada Shiinaha waxa uga jirey in Madaxweynaha labo jeer oo kaliya uu tartami karo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hase yeeshee Mr Xi oo lagu waday in uu xilka ka dago ugu dambeyntii 2023ka ayaa bedelay sharcigii hore waxana ansixinta congresska Shiinaha ay la mid tahay ansixin ay sameeyaan baarlamaanada kale ee ka jira caalamka.

Mr Xi oo 64 sano jir ah ayaa qabtay xilka madaxwaynanimada Shiinaha sanadiii 2012, waxa uuna si dhaqso ah u bilaabay in uu dhidibada u aaso awoodiisa shaqsiyadeed.

Waxa uu sidoo kale la dagaalamay musuqmaasuqa , isaga oo ciqaabay in ka badan hal milyan oo xubno ka ah xisbiga taasi oo sare u qaaday caanimadiisa.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58293

Posted by on Mar 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...
  • Turab: Bismillaah Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer...