|

DEG DEG:-Baarlamaanka Soomaaliya oo Dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World-Akhriso

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa isku raacay xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World, kaddib markii ay si bareer ah uga soo xadgudubtay madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Kulan Xildhibaanada Golaha shacabka goor dhow yeesheen ayaa waxaa soo xaadiray 170 Xildhibaan, waxaana kulanka looga dooday Xeer uu soo diyaariyay Baarlamaanka oo ku saabsanaa heshiiskii Dekeda Berbera iyo Shirkadda DP World.

Xeerka ayaa waxaa ansixiyay 168 xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu diiday, mid kalena uu ka aamusay, sidaas uu Guddoonka uu ku dhawaaqay inuu ansax yahay xeerkan.

Xeerkan oo cinwankiisu yahay Xeerka dhowrida Gobonimada iyo Geyiga Soomaaliyeed ayaa dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World, sidoo kale waxaa lagu baabi’iyay dhamaan heshiisyadii ay gashay oo ay ku jirto tan Dekeda Boosaaso.

Waxaa xeerkan lagu sheegay inuu meel marin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, laguna soo saari doono faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Heshiiskii Dekeda Berbera ayaa waxaa ka dhashay xiisad siyaasadeed oo mugdi geliyay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo dowladda Federaalka ay dacwad ku saabsan heshiiskaas u gudbisay Jaamacadda Carabta.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58299

Posted by on Mar 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...