|

Daawo:-Maamulka Somaliland oo go,aan ka qaatay wadahadalkii Dowladda Somaliya iyo iyaga uga furmi lahaa Dalka Jabuuti dhawaan-Video

Wasiirka arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay qorshaha wadahadaladii uu Maamulkiisu kula jiray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in duruufaha jira awgeed in xiligan uusan maamulka Somaliland diyaar u aheyn wadahadalo uu la galo Somalia.

Waxa uu sheegay in dhowr sababood oo uusan carabka ku dhufan loo hakiyay wadahadalkaas muddo bil ah, wixii ka dambeeyana ay go’aan kale ka qaadan doonaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin warkan Somaliland ay ku hakisay wadahadaladii ay kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

HALKAN KADAAWO VIDEO

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili Somaliland iyo dowlada Somalia ka dhex alloosan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dowladda Itoobiya, Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo Somaaliland kaasoo ku saabsanaa heshiiska maalgeshiga dekeda Berbera kaasoo dowladda Soomaaliya ay sharci darro ku tilmaantay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58223

Posted by on Mar 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.
  • Abdi: Waa canaasiirtii reer SSC oo ismagacawday. Reerku meel haw dhaqaajo siyaasaddiisa, ee MUNAAFAQNIMADDA iyo...