|

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo digniin culus u diray Shirkaddaha Shisheeye iyo Khudbaddii furitaanka Baarlamaanka-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dalka shirkado iska maamushaan ama ay ka fuliyaan mashaariic aysan ogeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta qudbad furitaan ah ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay tan shirkadaha shisheeye ee dalka Soomaaliya ka howlgala.

“Ma jirto cid maalgashi dalka ka sameyn karta iyadoo aan fasax ama ogolaansho ka heysan Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin wax kasta oo dhaawacaya Midnimada, Madaxbanaanida iyo Sharafta Shacabka Soomaaliyeed cid kasta oo isku daydana ay ka hor tagi doonaan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan uga Digayaa Wadamada iyo Shirkadaha Shisheeye in aysan ku Xad gudbi karin Madaxbanaanida iyo Qaranimada Soomaaliya”

Dowladda Soomaaliya ayaa xusay in ay soo dhaweyn doonto cidii sameynaysa wax waafaqsan dastuurka, Shacabka Soomaaliyeedna dani ugu jirto.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kusoo aaday Xilli uu taagan tahay Khilaaf u dhaxeeya Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, kasoo ka dhashay Dekedda Berbera.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58203

Posted by on Mar 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo digniin culus u diray Shirkaddaha Shisheeye iyo Khudbaddii furitaanka Baarlamaanka-Video”

  1. Asc. Waxa aad mooddaa in Imaaraadku uu isku dirayo dadyaw Soomaaliyeed isaga oo ka faa’iidaysanaya kala qoqobnaanta Soomaalida. Sababta ay Itoobiya u soo geliyeenna waa mid siyaasadeed.

    Waxaa kaloo muuqata in dawladda Muqdisha ayna Berbera waxba u diiddanayn ee ay ka gilgilanayaan in QUUDHSI lagu sameeyo.

    Waxaan arkaa in Berbera ay faa’iido ugu jirto dawladda Muqdisha oo xeedhada dhinac ka fadhida arrinkana wax ku yeelata si ay garab ugu noqoto haddii isfaham waa uu heshiiska ku yimaaddo, waana maragmaddoonto in isfahamwaa imanayo mar ay ahaataba.

    Marka intaa laga soo tago, sharci ma noqonkaro heshiiskaasi oo wuxuuna xad guduib ku yahay qarannimada jamhuuriyadda Soomaaliya. Marka waxaa wanaagsan in caqligu shaqeeyo oo reer Hargaysa ay Muqdisha arrinkan kala naqaashaan maaddaama ay mandaydkii haysato.

    Micna badan ma samaynayso in Soomaali laga cararo oo loogalo Itoobiyaan iyo Carab xammaaratada cunta.

    Isku soo wada duuboo, tan dawladda Soomaaliyeed bay aakhirka tagaysaa. Wbt

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...