|

Daawo:-Muuse Biixi oo Hargeysa maanta kaga dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo Xiisadda Dekedda Berbera oo-Video

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamulkiisu UU dagaal la geli doono Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Biixi Cabdi ayaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay wiil yar oo ka taliya Xamar, Wuxuuna aad u dhaliilay go’aanka dowladda Federaalka ah ee ka dhanka ahaa heshiiska Dekadda Berbera ay kula wareegtay DPWorld iyo saamiga laga siiyay Itoobiya.

Waxaa uu difaacay heshiiska Berbera isaga oo sheegay in uu jirayo sidoo kalena aysan Somaliland marti ku ahayn Berbera ee ay iyada leedahay.

Somaliland ayuu sheegay in ay dhab u qaadaneyso hadalka ra’isalwasaare kheyre ee ah heshiiska berbera in uusan sharci ahayn,islamarkaana ay Somaliland diyaar u tahay dagaal ay la gasho dowladda Federaalka ah

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58158

Posted by on Mar 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Muuse Biixi oo Hargeysa maanta kaga dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo Xiisadda Dekedda Berbera oo-Video”

  1. siyaasaddu ma aha oo keliya inta aad dumar iyo caruur soo ururisid in aad erayo xamaasadaysan u jeedisid adiga oo kaga qiiraysiinaya dhacdo beri hore dhacday waxa muuse afyuub ku hadlayo iyo haweenka kamarada isudhigaya ee ilmaynayaa ma aha wax ka turjumaya mustaqbal wanaagsan oo soomaaliland hor umar u keenaya ee waa wax u keeni kara in dalku gacan gumaysi galo tusaale muuse afyuub aan ahayn qofka dersi kara xaalada lagu jiro iyo duruufaha ku xeeran maanta geyiga soomaalidu degto waxa uu ku dhawaaqay dagaal aan filaayo in cid arintaas dan gaar ahi ka lihii inay afka u gelisay waa midda ay itoobiya rabto inay soomaaliland ku soo gasho oo ku qabsato iaya oo iska dhigaysa inay cadow ka difaacayso waa arinta ay ku heshay in lagu siiyo dhaqaalaha dekada berbera inay 100 /hesho 19% oo ah amaanka ayaanu sugaynaa haddii cidi soo fara geliso ama qabiil ku kaco maamul balse xaqiiqadu waa mid intaas ka fog oo aanu fahmi karin gabadha erayadan ku qiirootay ee intay midda dhinac fadhida ku jeesatay ku tidh walaalo walaahay anigu waanba qiirooday

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...