|

Daawo:-Madaxweynaha dibad wareegga ah ee Maamulka Somaliland Mustafe Martin oo sheegay in uu dhamaystiray Maamulkiisa kana hadlay arrinta Berbara-Video

Mustafe Maxamed Martin oo dhowaan ku dhowaaqay inuu yahay Madaxwaynaha Maamulka Cusub ee United Somaliland ayaa ka warbixiyey Maamulkii uu soo dhisay, Heshiiskii ay galeen Dubai , Itoobiya iyo Somaliland iyo Xaalada Guud ee Soomaalida iyo Halganka ay maanta u baahan yihiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inuu soo dhisay Xukuumad ka kooban 5 Waxood, Wuxuuna sheegay inuu shaacin doono 25-Xil oo kala duwan, Wuxuuna sheegay inuu Maxamed Cismaan Dhiirane iyo Faysal Faarax Suusle uu laba xil u magacaabay.

Isagoo ka hadlaya Heshiiska dekedda Berbera ayaa wuxuu sheegay inaysan Arintu ku Koobnayn Dekedda Balse Halkaasi lagu kala saxeexday Hantida Somaliland oo dhan , iyadoo Boqolkiiba 19 waxaa qaadan doonta Itoobiya Halka 51% ay Qaadan doonto Dubai, inta kalana ay heli doonto Somaliland. Wuxuuna sheegay inay kasoo Horjeedaan Heshiiskaasi.

Wuxuu ugu baaqay Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inay Arintaasi u Arkaan Duulaan lagu soo Qaaday Guud ahaanba Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inuu Heshiiskan Gaar u yahay Laba Beelood oo la isku dhaho Jeegaanta, Sida uu hadalka u dhigay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=58145

Posted by on Mar 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Madaxweynaha dibad wareegga ah ee Maamulka Somaliland Mustafe Martin oo sheegay in uu dhamaystiray Maamulkiisa kana hadlay arrinta Berbara-Video”

  1. horufadhi madaxweynaha cayda iyo aflagaadada ka dhaafa.meelkasta ha joogo waa madaxwaynaha soomaaliland.

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...