|

Daawo:-Wasiirka Maaliyadda mar kale ka hadlay qaabka iyo ujeedka loogu soo rogay Canshuurnta loogu soo rogay Ganacsatada Gobalka Banaadir-Video

Wasiirka Maaliyada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta Markale Ka Hadlay Arrinta Muranku ka Taagan yahay ee Cashuuraha Lagu Soo Rogay Ganacsatada Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa Sheegay in Wax ay Wasaaradu  Wado ay Tahay Arrin Sharci ah oo Laga Doonayo Ganacsatadu inay u Hogaansamaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=57854

Posted by on Feb 28 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Wasiirka Maaliyadda mar kale ka hadlay qaabka iyo ujeedka loogu soo rogay Canshuurnta loogu soo rogay Ganacsatada Gobalka Banaadir-Video”

  1. Asc. Beyloow, waxaad ku soo celcelisay waxani waa SHARCI. Hadday sharci tahay iyo haddii kale adigu xaakim kama noqon kartid. Aaway maxkamadii idin kala saari lahayd, ee oran lahayd waxani waa sharci ama maaha?

    Haani guntay ka tolantaa; Soomaaliya waxa halkaa dhigay waa CADDAALAD-DARRO, tiibaana weli u muuqata dadka. Meelaan GARSOOR loo noqdaa jirin ma dawladbaa lagu sheegi karaa?

    Tankale, baroortu orgiga ka weyn, arrinkan meesha yaallana maaha CANSHUUR iyo SHARCI oo adinna (martida) waad ogtihiin ee waad is moogaysiinaysaan. Waa arrin siyaasiya, xal siyaasiyayna u baahan tahay maaddaama aan GARSOOR jirin. Haddaad sharci soo hadal qaaddaan, idinkay idin la go’aysaa. Waayo sharciga qabanaya Muqdisha ee aan qabanayn Bosaso iyo Hargaysa waa maxay? Waase qodobkee kan dhigaya canshuuraha dalka? Ma waxaa kaliya ku yaal dekedda Mudisha? Aawayse garsoorkii ka garniqi lahaa? Makii aad hore u bahdisheen baa go’aamadoodii? Yacni, baarlamaankaa MOOSHIN ka keenay go’aankii maxkamadda sare! Waar bad ha isku furinna ee xal siyaasiya halla raadiyo inta Alle faraj kale furayo. Wbt

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...