|

Daawo:-Cali Khaliif iyo Faysal Cali Waraabe oo gaadhay Dalka Jarmalka-Video

Waxaa dalka Jarmalka gaadhay  Madaxwaynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Xubno ka socday Jaaliyadaha Labada dhinac ee Halkaasi ku sugan, Waxayna ka mahad celiyeen soo dowaynta loo sameeyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal oo dhowaan Xog ka bixiyey Safarka  Jarmalka ayaa sheegay  inay halkaasi u tagi doonaan Dhaqaalle Jarmalku ugu deeqay Soomaaliya, Iyagoo u sheegi doona inay Khaatumo iyo Somaliland is raaceen Qaybtoodana ay soo qaadan doonaan.

“Aniga iyo Cali khaliif Waxaanu ka sheekayn doonaa Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Waxay bixinayaan 122-milyan oo doollar, waxaanu doonaynaa inay Qabteena na siiyaan,  Khaatumo iyo Somaliland oo wada socda ayaanu Adduunka soo tusaynaa “ Ayuu yidhi Faysal.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=57251

Posted by on Feb 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Daawo:-Cali Khaliif iyo Faysal Cali Waraabe oo gaadhay Dalka Jarmalka-Video”

  1. Waar waa labadii DULLAAL!

    Waxaa la yihi shinbirba shinbirkiisuu la duulaa. Labadan nin meelo badan bay isaga eg yihiin waana ta isu keentay. Labadoodii NGO way ku fashilmeeb, waxayna doorbideen in ay FAASHLEEYAAN oo kolba maaweelada caruurta shaashadaha la soo istaagaan.

    Waxaa meesha ku soo dhoweeyey dhalinyaradii ka TAHRIIBTAY Hargaysa iyo Burca. Dhalinyaradu waxa ay ka tahriibeen DAYACA ay badeen siyaasiyiintoodu oo ay kuwani ugu horreeyaan. Welina waa hortaagan yihiin. Waa ummad khiyaali ku nool

  2. Cali-Khaliif iyo Faysal Cali Waraabe waalidah isku fahmeen. Bal Cali inuu waalanyahay muxuu Faysal Somaliland uga jeclaadey? Shimbirba shimbirkiis buu la duulaa.

    Waxaan islahaa odeygu wax weynbuu doonin balse, hankiisu Madaxweyne mar i dhaha kama weynayn. Waayo, weli wax la taaban karo kama keenin Maamulka Waqooyi Galbeed.

    Dadka waan heshiinay baa la leeyahay ee maxaa lagu heshiiyay oo isbedelay? Ma beenbaa la isku sheegin? Waryaara ummadda yaanan la jah wareerin Cali awalba Sood alool buu ahaa ahaa buur isku qadhinaya.

  3. Computer soo hor fadhiyo waligiin caytama.

    Shacabka masakiinta baay xaaqoda uu doneen.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...