|

Daawo:-Beesha Caalamka oo war mideysan ka soo saartay Shirkii Golaja amniga ee Muqdisho kusoo dhamaaday-Video+Warbixin

Qoraalo mideysan oo kasoo baxay Saaxiibada adduunka oo ay ugu horeeyan QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey go’aannadii kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Qaranka ee Somalia (NSC) uu ka  gaaray kulankii 6-10 Febraayo 2018 ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga.

Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=57185

Posted by on Feb 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Ceegaag: Alla maxaa RIWAAYAD la jilayaa. Waar Ra’iisal waseere xaggee adiga kuugu soo hagaagnaa inta aadan...
  • Ceegaag: Asc. Baarlamaankii baa garsoorkii iyo maxkamadihii doorkoodii qaatay! Waa meel ay u dhammaatay, bal waxaa...
  • Ceegaag: Beyle ma tagi karo gobolkii uu ka yimi, dadkuu ka dhashay Hargaysaa canshuurta ka gurta markaas buu rabaa...
  • qorrog: Mashallah. Waa good nayuus. Anigu waxaan odhan lahaa Dhulbhanta iyo Habr jeclona hallaga iibiyo cimaaraadka....
  • Ceegaag: Asc. Horta khilaafku waa wax sunna ah oo mar la arkaba iman kara, lkn sidee loo xalliyaa oo yaa u gar...