|

Daawo:-War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Golaha amniga Qaranka ee Muqdisho ka socday iyo Qodobadda la isla meel dhigay-Video

Shirkii golaha amniga Qaranka ee u dhaxeeyey Madaxda maamul goboleedyada iyo Dowladd dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu soo gaba gabeeyey goor dhow magaalada muqdisho,kulankan oo ahaa kii 6-aad ee ay isugu yimaadaan goluhu ayaa soo bilawday 6-dii bishan waxana uu soconayey muddo 5 casho ah,iyadoo uu shir gudoominayey Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,kulanka ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa ugu weynaa arrimaha amniga,qeybsiga kheyraadka iyo qaabka lagu gaari karo hanaanka doorashada ee qof iyo cod ee sanada 2020-ka.

Gaba gabadii shirka ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay waxaa saxaafada u aqriyey agaasime ku xigeenka dhinaca warfaafinta ee madaxtooyada C/fitaax Awaare,waxaana qodobada kale ee lagu heshisyey ka mid ahaa arrimaha tubta siyaasadda iyo sharciga doorashooyinka madaxa banaan ee lagu wado in ay dhacaan 2020-ka taasoo la sheegay in raysul wasaaraha soomaaliya uu soo magacaabi doono gudi farsamo oo arimahaasi ka shaqeeya sida uu tilmaamayo agaasime ku xigeenka dhinaca warfaafinta ee madaxtooyada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa heshiiska ay gaadheen waxaa qeyb ka ah in dastuurka qabyo qoraalka ah la dhameystiro inta lagu guda jiro sanadkan 2018-ka,waxaana sidoo kale lagu balamay in bisha soo socota ee maarso 28-keeda la isagu yimaado kulan kale oo lagu qaban doono Magaalada baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur-galbeed.

Halkan ka akhriso Nuquladda War-murtiyeedka.

 

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=57054

Posted by on Feb 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...
  • Turab: Bismillaah Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer...