|

Daawo:-Shirkadaha Jubba iyo Daallo oo ka hadlay warar maalmahaan la isla dhexmarayey-Video+Warbixin

Kulan ay yeesheen madaxda labada shirkadood ee Jubba iyo Daallo, madaxda shirkadaha duulimaadyada iyo culumada xajka u raaca dadka xajinaya si ay u caawiyaan dadka xujayda ah ayaa waxaa looga hadlayay warar been abuur ah oo muddooyinkii u dambeeyay la hadalhayay oo ah in lacag badan laga qaado dadka xajinaya.

Saciid Xaaji Cabdulle madaxa xafiiska Jubba ayaa ugu horeyn ka hadlay kulankooda maanta, wuxuuna sheegay in been abuur laga faafiyay shirkadaha Jubba iyo Daallo.

“Waxaa iskugu yimid shirkadihii diyaaradaha ee xujeyda u adeegayay, iyo shirkadihii duulimaadyada ee shirkadaha iyo xujeyda u dhaxeeyay, iyo dhamaan culumadii xujeyda caawinayay. Mowduuca laga hadlaya wuxuu yahay warar maalmahaan dhex yiilay baraha bulshada kaasi oo ah war aanan toosneyn”

C/naasir Nuur Qeyd madaxa shirkada Daallo ayaa warbaahinta u aqriyay warsaxaafadeed wadajir ah oo labada shirkadood soo saareen, ayaa sheegay in wararka maalmahaan soo baxayay ay ka dambeeyaan dad qaswadayaal ah oo ku fashilmay howlaha duulimaadyada.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay dadka Muslimiinta ah ee kasoo xajiya wadamada caalamka, isaga oo sheegay in farqi weyn uu u dhaxeeyo qiimaha Soomaalida ku xajiso iyo qiimaha muslimiinta kale kusoo xajiyaan.

Warsaxaafadeedka ayaa waxay ku cadeeyeen labada shirkadood inaysan dhaqaalo badan ka qaadin xujeyda Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in dalalka Kenya iyo Ethiopia oo deris la ah Soomaaliya in dhaqaalo lamid ah kuwa Soomaalida laga qaado ay ku baxaaan, haddiiba aysan ka badneyn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Culumadii ka qeyb gashay kulanka ayaa dhankooda sheegay in wax wanaagsan ay sameeyaan dhamaan shirkadaha duulimaadyada, laakiin dad doonaya inay Xujeyda iska hor keenaan ay qorshahaasi wax ka wadaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=57047

Posted by on Feb 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...