|

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo Miino kula kacday Gobalka Bari-Faah Faahin

Wararka ka imaanaya gobolka Bari gaar ahaan degaanka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaa oo saarnaa gaari nooca dagaalka ah.

Miinada oo la sheegay iney dhulka ku aasneyd ayaa wararku waxay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidanka Puntland, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidamada ku dhaawacmay qaraxan waxaa loo qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, welina maamulka Puntland kama aanay hadal qaraxan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxaasi, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen ciidamo ka tirsan Puntland.

Buuraha Galgala waxaa la sheegaa iney ku jiraan dagaalyahanno ka tirsanaa Al-shabaab, balse markii dambe sheegay iney kamid yihiin Daacish

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=56403

Posted by on Jan 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • huruuses: Wuu quudhi waayey inuu dhaho dadka deegaanka iska leh ha loo daayo waa dadka masiibadan ka danbeeya
  • Dhaqane: Wax garad ka reer khaatumo waa ogyahiin waxa madaxweyne hasan u qabtay iyo waxa uu taraaga Somalidu waxay...
  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...