|

Diyaarad UN-ku leeyahay oo maanta diiday in ay qaado Cabdiweli Gaas Baadhitaan la,aan-Akhriso

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UN-ka oo ka qaadi laheyd garoonka Gaalkacyo ay diiday in boorsooyin aan la baarin in la saaro diyaaradda.

Muran saacado badan qaatay ayaa ugu dambeyn diyaaradda ku adkeysatay in aanay qaadin Madaxweyne Gaas iyo Mas’uuliyiintii la socotay baaritaan la’aan agabka ay wataan, iyadoo markii dambe ay diyaarada kacday rakaab la’aan.

Saraakiisha Diyaaradda ayaa ku andacooday badbaadada diyaarada inay ka bilaabato dhulka, isla markaana waajib tahay in la baaro agabka ay madaxa wataan.

Hase ahaatee Saraakiisha la socotay Madaxweynaha Puntland ayaa diiday in la baaro agabka ay wataan oo ay ku jireen ciidamo hubeysan.

Wariye ku sugan Gaalkacyo oo lagu magacaabo Abaadir C/qaadir Cilmi ayaa sheegay  in ismaandhaafka ugu badan uu ka taagnaa agabkii Madaxda wateen oo la diiday in la baaro, xitaa hadii ilaaladii hubeysneyd hubkooda laga uruuriyay oo loo ogolaaday inay diyaarada raacaan hub la’aan.

Intaas kaddib Madaxweynaha Puntland ayaa dib ugu laabtay xarunta Madaxtooyada ee waqooyiga Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in diyaarad kale loo dalbay.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta badan waxaa diyaaradaha la raaca marka uu tagayo Muqdisho iyo meelo kale ciidamo hubeysan oo ammaankiisa suga.

Diyaaradaha UN-ka ee isugu jira kuwo gargaarka bani’aadanimada iyo kuwa kale ayaan isku shuruuc laheyn, waxaana la sheegaa in diyaaradaha UNSOM u kireysan aan loo ogoleyn agab aan la baarin in la saaro.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa uga qeyb galaya magaalada Dhuusamareeb munaasabad lagu mideynayo Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug, kaddib markii ay dhamaadkii sanadkii hore ku saxiixdeen Jabuuti heshiis awood qeybsi ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55764

Posted by on Jan 16 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War beenta iyo beenwaaska ha layska ilaaliyo, waayo dad muslim ah baynu nahay, bil Ramaddaan baynu ku jirna....
  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa
  • Abdi: Hadalka gabdhuhu sheegeen run buu u egyahay. Nimanka barnaamijka diyaariyey babdho may waraysan, ee gurigooda...