|

Maamulka Somaliland oo Dowladda Ingiriiska aqoonsi ka raadinaya iyo Sacad Cali Shire oo gaadhay..

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa magaalada London kula kulmay xubno ka mid ah baarlamanka UK.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay inuu kala hadlay halka ay Somaliland siyaasadeedu ku wajahan tahay, gaar ahaan wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtinimada ee deegaanada maamulka Somaliland ka dhacday Nofembar 2017.

Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in dowladda UK ay aqoonsato Siyaasadda Maamulka  Somaliland isla markaana waxaa uu sheegay in uu ka dhaadhicinayey Gooni isku taaga Maamulka Somaliland.

Waxaa uu la kulmay xildhibaano ka tirsan dowladda Uk oo uu kala hadlay sidii Maamulka Somaliland loo taageeri lahaa, islamarkaana loo aqoonsan lahaa.

Maamulka Somaliland ayaa 27 sano waxaa uu raadinayey in mar uun bal aduunku u aqoonsado Dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale balse ilaa hadda arintaas ma jirto waxa uga suura galay isla markaana kasoo naasacad ,waxaana ay xukuumad kasta bilaabantaa iyadoo aqoonsi raadinaysa waxaana ay dhamataa iyadoo aqoonsi  raadinaysa.

Waa socdaalkii ugu horreeyey ee wasiirku uu Britain ku tago tan iyo markii uu hogaanka qabtay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55608

Posted by on Jan 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...