|

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo kusii hakaday Degmadda Carmo Khudbadii uu ka jeediyay Madashii lagu soo dhaweeyay iyo Kaftan-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay degmada Carmo ee Gobolka Bari, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. iyadoona Safarka madaxweynuhu yahay mid dhinaca dhulka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana Madaxweynuhu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhoweeyeen.

Madawaynaha ayaa shacabka kula Kaftamay ” Qardho waxa laygu gudoonsiiyay Faras, waaciye waxa laygu gudoon siiyay Geel, Hadana Carmo waxa laygu gudoon siiyay Dhul, maanta kadib Halkan Hantidayda ayaan usoo Doonan “

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa degmada uga gudbay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo haatan shacabka magaalada Boosaaso ay waddooyinka ku sugayaan wefdiga.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55448

Posted by on Jan 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo kusii hakaday Degmadda Carmo Khudbadii uu ka jeediyay Madashii lagu soo dhaweeyay iyo Kaftan-Video”

  1. Asc. Dee Madaxweynuhu dhulka XORTA ah ee dadkii lahaa ka talinayaan buu booqanayaa.

    LAASKA wuu booqan lahaa hadduu XOR yahay oo dadkii lahaa ka talinayaan. Qabiilka kaliya ee Soomaaliya magaalooyinkoodii CAQAAR ama NIIC dhaafsaday waa Dhulbahante (terra fama), haddana SHAAH bay saf ugu jiraan. Waa wax runtii aad loola yaabo.

    Qaar baa ku andacooda annagaa Laaska haysanna. Haddaad tiraahdo war ma haysatide ninka aad NIICda ka siisataa kugu haysta oo kugu karbaasha ciddii uu doono oo aad awaamiirtiisa iyo mab’daiisa fulisaa, wuu kula dagaalamayaa. Iyaa, xitaa maba oga in la haysto.

    Dirays qabiileed inta loo xiraa meeshii la doono loo didiyaa, qaar kalana wasiirro iyo guddoon baarlamaan REER YARI lee yahaa lagu xiray. Waar yaa waxaas oo kale arkay? Sow inan gumeednimo meeshii ugu danbaysay maaha?

    Qaar baan ka daawaday shaashadaha leh “Tukaraq raallaannu ka nahay in la qabsado!” Oo yaad u sheegaysaa? Weliba waa isla qumman yihiin, xishoonba maayaan. Waa NIICdii hore mid kale kadaba gee, deedna SHAAH saf u gal.

    Si kastaba, shirkii ragga CAQAARTA AMA NIICDA ku kiraysan lagu soo afjarayay dhakhsuu furmayaa insha Allah. Guddoonka shirka socodkan madaxweynahaa lagu soo afjaray. Wbt

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Afeefasho, mucaarad, ma ihi, laakiin, sida hadda maamulkeenu wax u wado, dareen bay leedahay,...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MAA HADDANA LAASKA SOO GALAY?! “waxaan marnaba marnaba la aqbalaynin, waar pL baa...
  • dhunkaal: hadjakhley INA waran cadde weligiisba meelaha daciifka ah ayuu ka hadlaa waa doorshan ama xaar walwaal...
  • Fardojaan: Mahadsanid Sida Fudud Ee Aad Xilka Uga Tagtay Buuq La,aan. Waa Dimuqraadiyad in Qofku Is Casilo hadii Uu...
  • Ceegaag: SAHANKII NABADDA MIYAA SOCDAALKANI?