|

Deg Deg:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray Tukaraq..

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55391

Posted by on Jan 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Deg Deg:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray Tukaraq..”

  1. Dawladda Somaliya xaggee bay ka talidaa?! Matan Villa Somalia ay sankadhuudhigu ku ilaaliyaan baa? Ma tan XARUNTA XALANE laga xukumaabaa? Waa tuma dawladda Soomaaliyeed?

    Iyaa, guriga xildhibaanka waxaa weeraray ciidanka IMAARAADKA. Muqdishoo kaliya intaas oo ciidan oo aan qolona qolo ka amar qaadan baa jooga, markaasaad soo qoraydaan dawladda Soomaaliya. Ma taqaanniin QEEXITAANKA dawlad? Waar ciyaarta nagadaaya meesha dawladi majidhee.

  2. Belo haynoo saadinina , dalku waa nabad ….
    Ciidamada qaranka Somaliland may dhaafin xadka
    Mana dhaafi karaan laakiin wixii kusoo xadgudba waa la baray siday dhulkooda u difaacaan.

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.
  • Abdi: Waa canaasiirtii reer SSC oo ismagacawday. Reerku meel haw dhaqaajo siyaasaddiisa, ee MUNAAFAQNIMADDA iyo...