|

Daawo:-Qaabkii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Qardho,Shacabka iyo Waxgaradka oo aan u kala hadhin-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maanta gaadhay Magaalada Qardho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Waxgaradka degmada ee uu ka mid yahay Boqor Burhaan iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ah madaxda gaartay magaalada Qardho iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka Qardho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku tegey magaalada Qardho ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta degmada ,waxgaradka iyo duubabka dhaqanka.

Kahor inta uusan Madaxweynaha uusan gaarin magaalada Qardho ayuu dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.

Wadadan laamiga ah ayaa anfici doontaa shacabka Gobalka Nugaal oo baahi weyn u qabay, waxayna soo dhaweeyeen Talaabadan hormarka oo hore loo qaaday.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55411

Posted by on Jan 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...