|

Daawo:-Cabdiweli Gaas“Maamulka Hargaisa Waxa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish”-Video

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali  Gaas, oo shir jaraa’id ugu qabtay garoowe ayaa ka hadlay Duulaan Somaliland ku Qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gaas ayaa ku dhaliilay Somaliland oo uu sheegay inay weerarkan kusoo beegtay xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ku suganyahay Puntland, taasoo uu tilmaamay inay carqalad ku tahay geedi socodka nabadda, Wuxuuna xusay in arrintan tahay farogalin qaawaan oo lagu hayo xuduuda Puntland, isagoo xusay inaysan u dulqaadan doonin daandaansi ka dhan ah nabadgalyada Iyo xasiloonida maamulkan mudada dheer kusoo jiray.

Cabdiwali Maxamed, ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeeyay inay garab iyo gaashaan u tahay Argagixisada, wuxuuna yiri, “Sidaad ogtihiin Puntland waxay dagaal kula jirta kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana duullaanka qaawan ee maamulka Hargaysa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada.”

Shacabka Puntland ee dalka iyo dibadaba ku dhaqan ayuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka Iyo ilaalinta xuduudooda, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u diray fariin ah in arrintaas wixii ka dhasha ay mas’uuliyadeeda leedahay Somaliland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55383

Posted by on Jan 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • huruuses: Wuu quudhi waayey inuu dhaho dadka deegaanka iska leh ha loo daayo waa dadka masiibadan ka danbeeya
  • Dhaqane: Wax garad ka reer khaatumo waa ogyahiin waxa madaxweyne hasan u qabtay iyo waxa uu taraaga Somalidu waxay...
  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...