|

Xaalada Tukaraq oo saaka degan iyo Cabsi dagaal oo ka taagan wararkii ugu danbeeyay…

Waxaa Saaka degan xaalada tuulada Tukaraq oo dagaal uu shalay ku dhexmaray ciidamada
maamulka Puntland iyo Somaliland, iyadoona Dadka deegaanku ay sheegayaan inay degan tahay xaalada goobihii ay shalay ka dhaceen dagaalada.

Ciidanka maamulka Somaliland oo markoodii hore bilaabay dagaalka ayaa weeraray tuuladan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in wali deegaanka laga dareemayo xiisad colaadeed, waxaana dadka ay cabsi ka muujiyeen in markale dagaal uu halakas ka qarxo, Waxaana la sheegay inuu socdo abuubul ciidan oo ay wadan
labada dhinac.

Sidoo kale, ciidamada Somaliland ayaa weli ku sugan Tukaraq, kuwaa oo dhufeysyo dagaal ka sameystay dhammaan
goobihii ay kala wareegeen ciidamada maamulka Puntland.

Weerarka Somaliland ku qaaday Tukaraq ayaa kusoo aaday Xili Puntland ay ku Mashquulsanayd soo dhowaynta Madaxwaynaha Soomaaliya, Sidoo kalana ay isku diyaarinaysay Munaasibada Markii la doortay C.wali Gaas oo Afar-sano kasoo Wareegtay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55357

Posted by on Jan 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...