|

Wasiirkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo yimid Sool & Sanaag mudo 30 sano ah.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan, ayaa safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan gobolada lagu muransan yahay ee Sool iyo Sanaag, halkaas oo ay isku hayaan maamulka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaannanida ee Somaliland.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamig ah Jamaal Xasan ayaa sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudban Gobalka Sanaag.

Wafdiga uu horkacayo Wasiirka ayaa xalay waxa ay ku hoydeen Degamada Badhan halka maantana ay gaareen deegaanka Dhahar.

Hase yeeshee booqashada Wasiirka Qorsheyna iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee uu kutagay gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka soo horjeestay maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in socdaalka Wasiirka uu qalqal gelinayo xiriirka ay labada dhinac leeyihiin,wuxuuna dhanka kale sheegay iney ku dambeyn doonto iska hor imaad waa sida uu sheegaye.

“Runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona..”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire

Booqashada uu ku tegey goboladaas Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa noqoneysa booqashadii ugu horreeyay oo uu Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka ah ku tago deegaannadaas muddo 30 sanno ah.

HM

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55177

Posted by on Jan 3 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Wasiirkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo yimid Sool & Sanaag mudo 30 sano ah.”

  1. Bismillaah
    Dawladahan, isku xigxigey ee sheegan jirey magaca ku meel gaadh iyo inay fedral Somaliyeed yihiin, ee soo maray dalka, maxay ummadaha dega Sool, Buuhoodle iyo sanaag u hayeen, waxba. Waxay ka baqi jireen, inay xusaan, inay Somalia ka mid yihiin. Ka soo bilow ina yeey dawladiisii k/m/gaadhka ahayd, markii dagaalada lagu soo qaaday Lasanod, wuxuu taro daaye, wuxuu ka soo qaatay ciidankii difaacayey, si loo qabsado, wuuna ku guulaystay, in la qaato lasanod, heshiisyadii siyaasadeed ee uu galay bay ka mid ahayd. Sheekh Shariif, dawladiisa farsamo yaqaanada-nashaqada uu ku soconayana, u dhigi/samayn jirey-dad u dhashay reer SSC, wuuna ku najaxay, wuxuu taro daaye, wuxuu kala masuugay, inuu markay, maamulka samaysteen, uu u aqoonsado, inay maamul ka mida fedral-ka yihiin. Guurguurte, isaga warkiisaba daa, waa ka inooga quus gooyey, oo inoo caddeeyey, inaynu marti ka nahay, fedral-kana aynaan wax ku lahayn, isagoo marmarsiiyo ka dhigan jirey, wey qaybsan yihiin (Garowe/Hargeysa), 2da maamul ee sheeganaya SSC ayaa igu xanaaqaya. Haddaba muxuu soo kordhin karayaa wasiirka ka mida dawladan loogu yeedho igu sawir? Reer doqon ma waaye, miyaanay wax ku baranayn taariikhda soo martay, mise waa ” fardo jaan” oo u kooraysan, una raran duulkaa loogu yeedho jaan-ka. Odayadii reer Khaatumo gumeeyey ee ku bedeshay calooshada iyo dantooda gaarka, maantana waxay yuururaan tuuladii Buurowadal, kuwii hore ugu soo shaqaystay ee degaankooda dulaystay, baa maantana soo dirsaday, oo ciyaar kale wata, oo tijaabo ah. Allaa Kariim. WBT

  2. Adiga xagee rabaa in la aad, mise afkaad kaala baqaysaa?

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...