|

Daawo:-Cali Khaliif oo mar kale Muuse Biixi fariin u diray kuna adkeynaya fulinta Heshiiskii Caynaba-Video

Iyadoo dhawaan maamulkii Khaatumo uu Heshiis la galay maamulka Somaliland Cali Khaliif Galeydh Wuxuu ka hadlay Heshiiska dhacay iyo isbedelka ku imaaday maamulka Somaliland ayaa waxa uu Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi u diray fariin ku aadan Heshiiska.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Galaydh waxuu Hogaamiye Muuse Biixi ka dalbaday inuu fuliyo heshiiskii Maamulkiisa ay horey ula galeen maamulkii Axmed Siilaanyo, Wuxuuna sheegay inay muhiimad gaara leedahay in lasii wado Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, waxa uuna ku baaqay inaan la dayicin Heshiiska guuleystay.

Wuxuu cadeeyay in Muuse Biixi ay is arkeen mudadii lagu guda jiray ololaha doorashada, hase ahaatee ay dib
dhigteen kawada hadalka arimaha labada dhinac, Wuxuuna sheegay inay Muuse Biixi Cabdi ay uga fadhiyaan dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen Maamulada Khaatumo iyo Soomaaliland.

Sidoo kale, Galeydh waxa uu tilmaamay in Somaliland ay tahay mid aan loo dhameyn loona baahan yahay in la sameeyo Cadaalad iyo sinnaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Xasiloonida degaanada Somaliland, Siduu hadalka u dhigay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=55089

Posted by on Dec 28 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Cali Khaliif oo mar kale Muuse Biixi fariin u diray kuna adkeynaya fulinta Heshiiskii Caynaba-Video”

  1. IYAA! Waar dee odayga NGO-giisa u diiwaangaliya, oo yaanan mar danbe qalaadkiisa maqlin.

    Annaga hawshii shirka iyo diiwaangelintii KHAATUMO ee Xamar, haddee, meel fiican iyo marxaladdii ugu DANBAYDAY MARAYDAA.

    Hawadiina waa lasoo wareegnay, Hargaysana XUUTIYIINTAAN ku dirnay.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...
  • ahmed: horta mirow midh aan kuu sheego waxaa ciidamadaan lo qarin waa in aad ku quusatid cidanka jooga Tukaraq waa...
  • ahmed: Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin...
  • Abdi: Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado...