|

Daawo:-Sucuudiga oo Cambaareeyay go,aankii Donald Trump Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda-Video

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsado in magaalada Qudus ay tahay Caasimadda Israel.

Dhaleeceyn caalami ayaa loo joojiyay go’aanka Mr Trump, iyadoo Madax badan oo Dunida Muslimka iyo kuwa Beesha Caalamka ay si aad ah uga soo horjeesteen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ku dhawaaqista u sameeyay Trump ay tahay mid cadaalad daro iyo mas’uuliyad daro.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyay go’aankiisa, isagoo ku tilmaamay maalin taariikhi ah.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska iyo Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa labadaba sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Mareykanka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan inay ka soo horjeedaan tallaabada Mareykanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dibad baxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa ka dhacay daanta Galbeed, halkaasoo lagu gubay sawirka iyo Calanka Mareykanka.

Dibad baxayaal careysan ayaa ku hor banaan baxay Safaaradda Mareykanka ku leeyahay istanbul, iyagoo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Trump.

Sideed ka mid ah 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in kulan degdeg ah laga yeesho dhamaadka isbuucan go’aanka Mareykanka uu ku gaaray in Qudus ay tahay Caasimadda Israel.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54304

Posted by on Dec 7 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog