|

Madaxda Carabta oo ku kacay Trump markii uu damcay in uu Qudus u raro Safaaradda Mareykanka…

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu magaalada barakeysan ee Qudus u aqoonsado Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqi doona in Qudus ay tahay Caasimadda Israel, sida ay sheegayaan Saraakiisha maamulkiisa.

Laakiin Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr Trump uusan si dhaqso ah u go’aansan doonin in safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv u soo raro magaalada Qudus.

Hase ahaatee Madaxda Carabta ayaa sheegay in tallaabadan ay keeni doono cawaaqib xumo, isla markaana dalalka Muslimiinta ay si adag uga fal celin doonaan hadii uu Trump u aqoonsado Qudus Caasimadda Israel.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa u sheegay in Madaxweyne Trump tallaabadan noocaan ah oo la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Dhinaca kale magaalada Istanbul ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay yeelan doonaan Madaxda Dalalka Islaamka, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo isna si adag uga fal celiyay qorshaha Mareykanka ku doonayo in Qudus u aqoonsado Caasimadda Israel.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54256

Posted by on Dec 6 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Madaxda Carabta oo ku kacay Trump markii uu damcay in uu Qudus u raro Safaaradda Mareykanka…”

  1. carabi way mehersan tahay warkooda ha maqlin dad jira ma aha iyaga ayaa is haysta oo midba midka kale ku maqan yahay waxba kuma heshiin karaan

Leave a Reply

Recently Commented

  • Ceegaag: Beyle ma tagi karo gobolkii uu ka yimi, dadkuu ka dhashay Hargaysaa canshuurta ka gurta markaas buu rabaa...
  • qorrog: Mashallah. Waa good nayuus. Anigu waxaan odhan lahaa Dhulbhanta iyo Habr jeclona hallaga iibiyo cimaaraadka....
  • Ceegaag: Asc. Horta khilaafku waa wax sunna ah oo mar la arkaba iman kara, lkn sidee loo xalliyaa oo yaa u gar...
  • Jamaal: Duff ku wax Cali ciise Hurdaaye
  • Ceegaag: IYAA! Oo ina Ciise yaa ka soo salaliyay?! Ina Ciisoow dee heshiiskan iyo Tukarraqdan aad ka hadlaso waa...