|

Daawo:-Maxakamadda sare ee Mareykanka oo Trump ku raacday Xanibaadii Socdaalka Dalal Soomaliya ku jirto-Video

Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah. Go’aankaasi oo wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah.

Go’aankan ayaa xoojinaya siyaasaddii madaxweyne Trump ee ka dhanka ahayd Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Xukunkan wuxuu ku fulayaa go’aanka markii saddexaad isbadalka lagu sameeyay ee uu madaxweynuhu bixiyay tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Toddobo ka mid ah sagaalka xaakim ee dacwadda dhagaysanayay ayaa qaaday Isniintii laalitaankii ay ku sameeyeen maxkamadaha hoose.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor oo kali ah ayaa raali ku ahaa in uu wali sii laalnaado go’aanka madaxweynuhu.

Maxaa xiga arrintan? Maxkamadaha racfaanka ee San Francisco, California, Richmond iyo Virginia ayaa dhagaysan doona doodda toddobaadkan si ay u fiiriyaan bal in soo celinta siyaasaddan ay sharciga waafaqsan tahay.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa xustay in ay filayso in maxkamadahaasi ay go’aan ka gaaraan arrimaha qaarkood”.

Kuwaas ayaana ugu dambayn dib loogu celin doonaa maxkamadda sare.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54231

Posted by on Dec 5 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog