|

Daawo:-Shabakadda Horufadhimedia oo soo uruurisay Taariikhda iyo Qaabkii loo khaarajiyey Cali Cabdalle Saalax-Video

Shabakadda Horufadhimedia ayaa si xeel dheer usoo uruurisay Dilkii Hoggaamiyihii awooda badnaa ee Dalka Yamen mudada dheer kasoo talinayey Cali Cabdlle Saalax oo maalintii shalay ahayd ay Jamhadda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yamen ay khaarajiyen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taariiq Nololeedkii Madaxweynihii hore ee Yemen Cali  Cabdalle Saalax

Cali Cabdalla Salax waxa uu dhashay 21kii March 1942kii waxana uu ku dhashay tuulada Bait el-Ahmar oo dhanka Koofur Bari ka xigta magaalada  caasimada ah ee Sanca.

Cali Cabdalla ayaa ku biirey ciidamada lugta ee dalkiisa  sanadka marka uu ahaa 1958,waxana uu galay Dugsiga lagu tababaro ciidamada 1960kii saddex sano kadibna waxa uu noqday sarkaal ka mid ah ciidamada dabaabaadka.

Sanadka markii uu ahaa 1962dii waxa uu qeyb ka ahaa saraakiishii xukunka ka qaaday Boqor Muhammad al-Badr isla markaana waxa uu ka aasaasay wadankii la oran jirey Jamhuuriyada Carabta ee Yemen. Tababaro badan oo dhanka ciidamada ah oo uu qaatay kadib waxa uu Cali Cabdalla Saalax loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Ta’izz.

Hase yeeshee markii la afgambiyay 24kii June 1978kii Madaxweynihii dalka Yemen Ahmed Hussein al-Ghashmi ayaa la afgambiyay waxana uu Cali Cabdalla Salah ka mid noqday guddi loo saaray in ay maamulaan dalkii Yemen ee qeyb ahaan ahaa Waqooyiga Yemen balse 17kii July 1978dii Baarlamaanka Jamhuuriyada Carabta Yemen ayaa u doortay madaxweyne Cali Cabdalle Salax isagoo 36 sano jir ah.

Wadahadalo dheer kadib ayaa labadii Yemen waxa ay ku midoobeen hal wadan waxaana loo doortay Madaxweyne Cali Cabdalle Salax 22 May 1990. Hase yeeshee kacdoonkii bariga dhexe ayaa saameeyay dalka Yemen waxana uu xilka ka degey Cali Cabdalle Salax cadaadis xoog leh kadib 2012kii, waxaana bedelay Madaxweyne ku xigeenkiisii Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Cali Cabdalle Salax ayaa waxa uu xulufo la noqday Xuutiyiinta kadib markii dagaalka sokeeye uu ka qarxay  dalka Yemen waxaana uu toddobaadkan sheegtay in uu ku biirayo isbahaysiga Sacudi Carabiya taasoo u horseeday in Xuutiyiinta ay aad uga caroodaan kadibna duqeyn lala beegsado gurigiisa halkaa oo ku xijaabtay Maalintii Shalay.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54237

Posted by on Dec 5 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.