|

Xasan Shiikh Maxamuud oo Ka hadlay Shirka Ka furmay Muqdisho,Muxuu ka yidhi Farmaajo iyo Khayre?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray shirka dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee maanta Muqdisho ka furmay.

Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu ku yiri: “Shirka Madasha -Somali Partnership Forum- ee ka furmeysa magaalada Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul iyo iney ka soo baxaan go’aanno saldhig u noqda xallainta mushkiladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha ee maanta uu dalkeennu la daalaa dhacayo..”

Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay arrimaha siyaasadda isla markaana kooxdiisa qabyo ay olole ka bilowday Muqdisho si mooshin xil ka qaadis ah loogu diyaariyo madaxweynaha xilka uga danbeeyay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dadka Soomaaliyeed inay isku tashadaan.

“Waxaan ku baraarujinayaa madaxda Soomaaliyeed iyo shacab-weynahaba biyo sacabbadaadaa looga dhergaa ee ku tashada “XOOGGIINNA IYO XOOLAHIINNA” adinkoo kaashanaya caalamka intii suurtagal ah. Guuleysta insha Allah” ayuuna farriintiisa ku soo gabgabeeyay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54198

Posted by on Dec 4 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog