|

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Guddoomin doona Shir Heer sare ah oo looga hadlayo Amniga…

Shir heer sare ah oo Amniga Qaranka looga hadlayo ayaa maanta ka furmaya Xarunta Xalane oo xarumo iyo Talis u ah howl galka AMISOM iyo Safaaradaha reer galbeedka, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan xubno sar sare ah oo caalami ah sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow.

Shirka looga hadlayo amniga Qaranka ayaa waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamul goboleedyada, Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirada Beesha Caalamka iyo Saraakiil Ajnabi ah.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirka looga hadlayo wixii ka qabsoomay shirkii May ee ka dhacay London, dib u habeynta ciidamada, howl galada, u diyaar garowga sidii Ciidamada Soomaaliya amniga ugala wareegi lahaayeen iyo qorshayaasha u degsan amniga.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta wuxuu sheegay 5-ta bisha December in Muqdisho uu ka dhici doono shir loogu magac daray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.

Maalintii shalay ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada ka dhacay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, ayna qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54189

Posted by on Dec 4 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog