|

Daawo:-Guurtida Somaliland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Heshiiskii dhexmaray Xubno ka socda Khaatumo iyo Somaliland-Video

Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  ayaa sheegay in Heshiiskii ay gaadheen Madaxwynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh  madaxwaynaha Khaatumo yahay waxba kama jiraan, Isagoona ku sheegay inuu ahaa Soo jeedin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Arintaasi waxay joogtaa Cali Khaliif iyo Madaxwaynaha, Heshiis maaha waa soo Jeedin, Hasoo Gudubto waa inay Labada Gole martaa, markaas ayay Heshiis Noqon kartaa “ayuu yidhi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54214

Posted by on Dec 4 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Daawo:-Guurtida Somaliland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Heshiiskii dhexmaray Xubno ka socda Khaatumo iyo Somaliland-Video”

  1. Asc. Soomaaliland lawada leeyahay!!! Sidee nin aan xad beenaadka ka saaray, oo illaa EERIGOO eryaday ula galaa HESHIIS buu Saleebaan leeyahay.

    SL LAWADA LEEYAHAY, waa halhayska maanta. Wbt

  2. Bismillaah

    Axadkan sidaa qaldan ugu fogaanaya Khatumo, noloshiisa waxaa soo dhisay oo iska lahaa baa la yidhi reer Khatumo(hooyadii-JS iyo walaaladii-W/Aden), isagoo yarna Cadan geeyey oo waxna baray.

    Haddaan u soo noqdo hadalkiisan uu iskaga dhigayo wadan-dawlad leh sharci iyo golayaal shaqeeya, oo heshiisyada madaxdoodu gasho la geeyo. Awalan heshiiska Khatumo iyo maamulkooda waxa la geeyey golahooda shacabka oo ansaxiyey in heshiiskasi yahay sharci. Hadday ka baxaana, cid uga futa xumi, ma jirto.

    Doorashadoodii hadda ugu danbeeysay, waxa laga soo duubay iyagoo 6 jiro codaynayaan. Sharciga uu leeyahay waanu maraa muxuu ugu qaadi waayey caruurtaa aan qaan gaadhin ee codaysay, ama doorashadii beenta ahayd ee ku shubashada.

    https://qarannews.com/sawirka-todobaadkahargeysa/

  3. IYAA! Dee runtuu ka hadlay, eesh qoyaasak. Daqiiqaddii ugu danbaysay baa Siilaanyoo laamigaa dheer maraya laysku hor gudbay, oo la yiri wax ii malmaluuq. Kaasi ma heshiis baa mise waa aar Siilaanyo ii geeya oo kaliya?

    Adeer, mindi walbaa afkeeday goysaa ee dadka yaan la xagxagan. Wbt

  4. Ceegaag Adeer runtaad kahadashey, Odey Cali Rooraaye,Somaliland waxmiisaana oolaguqiimeeyo lamuu iman.Wax reer Khaatumo ah ookuraacsan heshiiskan Cali Bile waa Oradyahankeena weyn eecaanka ahe mijiraan,ee habeenba waxa looga tumaa hargeisa Club.

  5. Bismillaah

    Allaa kariim, doqon, ma waayaa isu yimi…, daawad, adna ma timi, magacan, waxaa la odhan jirey, hotelkii ugu weynaa Garowe, burburkii ka hor. BaL, waa idinkan isu rixiyee, muxuu sameeyey oo khalada M/weynaha Khatumo. Nabad, qaadashadu, waa raganimo, waxayna ahayd isku day siyaasadeed, lagu saxay, talo xumadii iyo siyaasad xumadii Xamar taallay. Haddii, la inala qaato waa ¨win win¨, haddii kale waxba inagama xumaanayaan, waa uun isku day. Ciyaartan iyo qayladan, dib u socodkii reer Khatumo la qalaadayaan, far baa ku mudan, shirkan degdega ee Buhotle, iyo Xamar-tan loo sii kala cararayo, waa isku xoqxoq siyaasadeed, oo beena, waxan oo dhan, waxa wadata Bilaadu bint, oo rabta inay ku inqilaabto Farmaajo, sidii 2011kii ay uga riixdeen…, waadna arki doontaan.

    .: Bilaadu bint, iyadaa u tagtay Ethiopia oo ka dhaadhicisey inqilaabka Farmaajo, iyo qaabka ay ugu najaxayso dilaalida dekedahan banaan yaalka ee Berbera iyo Boosaaso, Waxa kale oo xulafadii Sacudigu u ballan qaadeen, mashaariic faro badan, haddii uu ogolaado R/wasaaraha Ehiopia, sida la yidhi wuu ka ogolaaday. Lo’ dan lagu dul dabxayo wiilkay abtiga u ahaayeen, ee is wada daba yaacaya, iyana qoomaamadooda, arki doonee. WBT

  6. Turab: horta markaad nin raga tahay lama rabo kaftanka inaad xadkiisa dhaafto rag malaayiin gaaraya oo qoorawaynayaala inaad dhulkii gabdhaha ku sheegtaa waa kugu qayma dhac shaqsiyadaada awal baa garaadkiinii garaad binti magacaas kula baxaye horta taas iska sax.

    Tanabaad puntland xamar iyadoo goof lagu kala guuray ah iyadaa ciidamadii aan iidoorka ku karbaashnay inta la tagtay hawiyoo dhan maata caanaleh ka dhigtay dekedda iyo garoonka iyo madaxtooyada dhamaan puntland baa furtay xamar 5 kun oo wiil baa nooga dhintay hawiyana wuxuu ogyahay wuxuu meesha ku hayo inaan xaqlayaashii lahaa nahay hadba markay toobiyaha ka leexataba anagaa ku celiba dawlada xamar dastuurka kaan garoowe 1 iyo garoowe 2 udhignay kamaleexan karto hawiyoo dhan baana raali ku ah inaan sayidkoodii nahay.

    Adinkan khaatumo seega anagu walaalkayo naga wareeray oo nalagu jaanjaamay baan idiin naqaan isuna talin wayde inaan idiin talinana diide war umadda somaliyeed waxaa alle boqor uga dhigay waa MJ ee iska daaya orodkoo kaalaya anagaa toobiyaha idiin jeexaynee.

    Qoladan iidoorna waxaan anaga naga imaan waligiin kuna heshiin kartaan waayo labadiinaba anagaa masuul idinka ah see uheshiisaan anagoo aan idiin fasixin.

  7. Nacasnimadu dawo malaha , jaahilnimaduna waa cudur…

    Headline ka si dadban ama khaldan loo qoraa waa tab ay isticmaalaan wargaysyadu ama in general media hu….

    Tusaale ahaan……
    1- headline u qoran sidan ( eybaa nin qaniinay )
    2- nin baa ay qaniinay.

    Dadka waxa soo jiidanaya cinwaanka labaad sababtoo ah dadka qaarbaa moodaya in ninku ayga qaniinay markaasay is odhanayaan bal ka war doona ninka waalaan.

    Turab
    Horta ma daawatay video ga intaanad noo sheegin cidda dhashay odayga iyo waxa loo qabtay ?

    Aynu sharciyayno heshiiska oo labada gole ( barlamaanka iyo guurtida ) hala mariyo si uu unoqdo heshiis qaran maxaad ku diiday ?

  8. hadalka saleeebaan waan soo dhawweyn

    habaryoonisna shaqo qaran baaan ka sugayaaaaa in muuuso ka qabato

    bintland booos bay xaaar xaaratey ninkii og baa oge oh in ay khaaatumo aqoon sato iyadooo itoobiya u soo laqintey danta u runsheeegaytey lkn lkn lkn lkn lkn

  9. habayar yoonis madanaaa u diyaarsatey muuse iyo inta la socota waxaana laga war dhawrayaaaa 13 bisha

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog