|

Deg Deg:Golaha Sare ee Dhaqanka SSC oo ku dhawaaqay Gudiga qaban qaabada Shirka(Akhriso)

Waxaa Shir Watashi ah Yeeshay Golaha Sare ee Dhaqanka ee Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn Waxayna Isimadu Isla Qaateen in La Dar Dar Galiyo Qabsoomida Shirwaynaha Beelaha Sool Sanaag iyo Cayn oo Mudo La Sugayey.

 

Sidaasi Dartee Waxaa La Go,aamiye Qabsoomida Shirwaynahaasi Waxaana La soo Saaray Go,aamadani Hoos Ku Qaran.

 

1 Waa Inuu Qabsoomaadaa Sida ugu Dhakhsaha Badan Shirwaynahaasi Balansanayaa

2 Waxaa La Qabtay Guddi Qaban Qaabada Shirwaynahaasi” oo Ka Kooban 27 Xubnood oo Kala Jooga Gudaha iyo Dibada” Guddigaasi Ayaana Shaqadoodu Tahay.

@Mudayta Wakhtiga uu Shirkaasi Qabsoomayo.

(B) Jaangoontay Ergooyinka Shirka Ka Qayb Galaya

(C) Diyaarinta Dhaqalaaha Shirka Ku Baxaya.

(D) Wacyi Galinta iyo Abaabulka Shirka iyo Waxii La Mid ah

 

Magacyada Guddiga Qaban Qaabada Shiwaynaha Beelaha Sool Sanag iyo Cayn

 

1  Ahmed Maxamuud Abdi         (Geedle)

2  Kayse Hasan Maxamuud      (Golongol)

3  Farax Abdi Gorod

4  Yusuf Ismail Ducale

5  Abdul Qaadir Fidhiye

6 Jamac Ibraahi Abdi

7  Cali Awil Ahmed

8  Maxamuud Cali Maxamed

9  Maxamed Maxamuud Cilmi( jiidhe)

10 C/fataax Maxamed Cali

11  Cali  Daahir Cilmi

12 Ahmed Xaashi Cabdale

13  Caydiid Suleyman Faruur

14  Faarax Maxamed Adan

15  C/fataax Maxamed Abdile

16  Xasan Adan Maxamuud( Gaadh Gaadh)

17 AHmed Maxamuud Xasan( Gacmayare)

18 Xasan Maxamuud Jamac

19 C/rashiid Macalin Faarax

20 Maxamuud Ahmed Cali( Macow)

21 Adan Maxamuud Abdiwaaxid

22 Abdiraxmaan Abdi Xaaji Faarax( Goofadhe)

23 C/qani Maxamuud Abdiraxmaan

24 Maxamuud Warsame Ali.

 

Wabilaahi Towfiiq

Golaha Sare ee Dhaqanka ee Deeganada( SSC)

 

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54127

Posted by on Nov 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Deg Deg:Golaha Sare ee Dhaqanka SSC oo ku dhawaaqay Gudiga qaban qaabada Shirka(Akhriso)”

  1. Bismillaah

    Walaahay, maanta ayay si fiican u sii go`een, reer Khaatumo, Allaa kariim. Waa duul aan ogayn if iyo aakhiro meeshay maanta ka yaalaan, iyo waxa la kala macaashayo. Dhamaantood, gudigan, nin walba maalintii la asiibay ee laga xaday xaq udirirkii, waa la hayaa. Bikulli ixtiraam Cali Xaaji Cige, waa ninka keliya ee gudigan ugu ceebta la`. Isagana, isagoo ummadan daacad ugu shaqaynaya, ayaa waxa ku gefay duul garasho yar, oo ku xagxag tay “(jaaifo/madaxgoosad) shirarkii teleconf-yada iyo khaasatan UAE, oo ka dhigay inuu si xun wax u maamulay amaba cunay xaqoodii, taasoo sababtay, inuu iska casilo, xilkii uu hayey ummadda. Dadka garashada yar uma baahna inaan idiin soo bandhigo, waa la wada garanayaa, waa kuwa 85% dhulalkoodii, maganta uga ah cadawgoodii, “yaqaan dhibeyaal/bilaash xayteyaal/afku xoogleyaal”. Duulkaa, waxa laga helayaa min Ceerigaabo ilaa Buuhoodle(SSC).

    Horta, in shir guud la qabsado, soo in wax la iska weydiiyo may mudnayn, hor iyo horaan, maxaa faaiido ugu jira dadka iyo degaanka, siyaasiyan reer Khatumo dan ma ugu jirtaa in xilligan shir la qabsado. Dadkan, caloosha uun u wada shaqaysanaya, miyay habaaran yihiin(callbox). Waar maamulkan u yeedha, oo la xisaabtama, maamulow maxaad ummadda u haysaa/maxaadse ugu maqan tahay. 3da gobol ee SSC, waxay xaq u leeyihiin in gobol walba uu la xisaabtamo maamulka, weydiiyo maxaad noo haysaa gobol ahaan, oo iclaamka la soo geliyo, iyadoo si hufan oo mandiq ah loo xisaabtamayo. Laakiin qaabkan is garab yaaca, waa arrin muujinaysa tayo xumada haysata reer Khatumo. Reer Khatumo, ma leh siyaasi ka hufan caadifad iyo xin iyo qolo nacayb, aan ka ahayn kuwa faro ku tiris ah oo ummadda Alle dartii ugu khidmeeya.

    F.G Shirkan, ma maamulka ayaa raba inuu kaga baxsado shacabka? Fadlan, maamulkan wuxuu ku haboon yahay in lala xisaabtamo, gobol walba gudi ka kala socda qaybaha kala duwan ee shacabka, oo la xisaabtanta, ha u soo dirsado. Marka maamulka lala xisaabtamo, haddii la isla arko inay ku haboon tahay in shir guud la qabsado, waa wanaag. Shirkan, hadda lagu dhawaaqay, waa dhicis, xaalada Khatumo meel xun bay taal maanta, ee duul Allaw, Alle u toobad keena, ummadana mindiyo raaciska ka daaya. WBT

  2. Wiilkii Yaraa ee imtixaankii la rabay IN uu u soo diyaar garoobo ka habsaamay markii imtixaankii la soo hordhigay ayuu qalinkii pencil ka ahaa inuu qoro uu ku mashquulay ileen imtixaanka ma soo daakirin e hadda qolyahan shirarka ku kor
    Wareegayaa ma rabaan maamul qaarkood waa dhaqaale Doon Qatar waa darajo
    Moqdisho Doon markaa xaalku waa shir.com

  3. ASC.

    Kooxdii JEEGAANLAND ee ina Galayr baa webka durtaba ku soo yaacay. Waar shirka waa qabsoomayaa, dhaqaalaha shirkana Dawladda Soomaaliyeed baa ballanqaaday Alle ka sokoow.

    Dhinaca kale, aad baan u soo dhoweynaynaa shirka guud ee aaya ka tashiga SSC. Inkastoo lala soo daahay, waa la wada sugayey shirka.

    Guulaysta Jaalayaal

  4. Bismiillaah

    Ceegaag, jooji ka dhex kaluumaysiga reer Khatumo. Adiga, gabadh baa ku dhashay, inaad reer abtigaa ku fidid, xaga siyaasada, waa laga fiican yahay. Reer Khatumo, meel, Jeegaan/rainbow(dallada dad xunka adduunka) kula xulafaysteen Suuf-alool-yada ma jirto, shacabka iyo maamulkaba, waana gef kelmadaa kaa soo yeedhay, ee jeegaanta. Sida la yidhi M/weynaha Khatumo, wuxuu u tegey Hargeysa, waa la kulanka hayado joogga meeshaa, si, baa la yidhi, baahida dadka iyo degaanka, uu ugla soo hadlo, walina wuu ku maqan yahay.

    Rainbow-gan/jeegaantan. Waxa keleya ee gaaladu ka raadiyaan, meelaha ay lugta la galaan weeye; Iyaguna waa gaalo la daaqyo, xulafaysiga jeegaanta, waa kay gaalada uga iibiyeen, inuu Muuse shaani ku soo baxo, xitaa waagii Siilaanyo waxay ku soo baxeen, waxaanu dooranaynaa madaxweyne rainbow-ga ah, dib u raaca taariikhdii doorashadii 2010 iyo wixii adduunku ka qoreen, oo ahayd, waxay iyagu u sheegteen; Habar xabuusheedku markii la doortay, waa kuwii u istaagay ee difaacay oday Siilaanyo, ileen dantoodii kursiga ku gaadhe e. Sidaa darteed, Khatumo iyo jeegaanland kala fogaa. WBT

  5. Kkk Turab. Haddii gabadhi i dhashay ama will i dhalayba, anigu arrin MUUQDAAN ka hadlay. Arrinkuna waa in ninkaad madaxweynaha u taqaan ee ina Galayr uu toos isugu DHIIBAY Jeegaanland. Waxaase shirqoolkaa CAATADA ah lagu soo afjarayaa shirkaa guddiyada loo saaray.

    Dhinaca kale, mj idinkaa ood wadaaga oo aad isu xiga. Marka sabab aad Isaaq isugu dhiibtaan baan fahmi waayay. Annagu waagaanu reer hawdka ahayn, intaan nalaka soo qixin, dhinacaasaannu mj ood wadaag ka ahayn inkastooy BICIID-YAHAN iyo REER MAXAMUUD u badnaayeen. Kuwaana mjku KURTIMEEY u yaqaaniin. Waxay yiraahdaan mj maaha ee waa DIGIL IYO MIRIFLE waa hore meesha degey.

    Si kastaba, shirku waa qabsoomahayaa insha Allah oo cid loo joojinayaana majidho.

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.