|

Daawo:-Maxaa kala qabsaday Maxamed Jabutaawi iyo Shacabka Laascaanood“Dad Qabyaalad dilootay Baad tihiin,,-Video

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi  oo Isagu  magaalada Laascaanood ka Hirgeliyey Shirkada GURMAD ayaa eedaymo kala duwan dusha uga Tuuray Shacabka Laascaanood,  Isagoo aan waxba u Reebanin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Reer Laascaanood Shirkad Gurmad la dhaho ayaan idiin keenay, Qabyaalad ayaa Dadka idinka Reebtay, 17-kun oo Guri ayaa laascaanood ku yaala,  Laba sano ayay Shirkadu Joogtay 2-kun oo Guri ayay dhaafi wayday, Lacagtii ayaad bixin waydeen,  Dad Xumaani daashatay ayaad tihiin “  ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay inaysan dadka Laascaanood garanayn Qofka usoo gurmaday, Wuxuuna sheegay inuu usoo ducaynayo Isagoo ku socday Cumrada. “Laydhkii oo Jaban ayaan idiin keenay, waad iga gashan waydeen,   Wakhti dheer ayaan Jeebkayga ka bixinayey Qarashka Shaqaalaha, Maxaad maanta igu maagaysaan hadii aan ka dhigay 0.8, oo Shirkad kale aan la Midownay “ Ayuu yidhi.

Ugu dambayntii wuxuu Muuse Biixi ugu Baaqay inuusan Wax siyaasi ah oo Xil aanu u dhiibin, Wuxuuna ka codsaday inuu Wax qabad ugu Badalo ee Cidna aysan Xil ka rabin.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54094

Posted by on Nov 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...