|

Daawo:-Kuuriyadda Waqooyi iyo Mareykanka oo qoorta iskula jira Mareykanka oo u Hanjabay iyo Xiisad-Video

Safiiradda Mareykanka u fadhida golaha ammaanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ayaa hoggaanka Kuuriyada Waqooyi uga digtay in gebi ahaan ba la burburinayo haddii uu dagaal qarxo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Nikki Haley oo ka hadashay shir deg deg oo golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku yeesheen magaalada New York ayaa ugu baaqday dhamaan dalalka caalamka inay jaraan xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee kala dhaxeeya xukuumadda Pyongyang.

Ms Haley ayaa intaa ku dartay in madaxweyne Trump uu horay ugu booriyay dhigiisa dalka Shiinaha inuu joojiyo saliidda ceyriinka ee uu Shiinaha u dhoofiyo dalkaasi, kadib markii labada madaxweyne ay ka wada hadleyn tijaabadii gantaal ee ay sameesay Kuuriyada Waqooyi. Trump ayaa horay u sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogi doono Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa shalay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaallada ballistic loo yaqaanno ee qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo gaari kara dhammaan qaaradda uu Maraykanku ku yaaallo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=54104

Posted by on Nov 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Suaal, qaabka dawlada Khatumo, xubnaheeda xilalka ka haya, ma waxay ku wada jooggaan, nidaam iyo...
  • ali: dulqaadkii waa naga dhamaaday, waxay joogta wakhtigii dhegta dhiiga loo dari lahaa majeerteen. wixii dhacaya ha...
  • Ali yusuf: Way Ina qosliyen Borama laga kopigareyey
  • wiil aadan cigale: Dadkii reer Puntland oo walaalihiin ahaa oo maanta madaxwaynohooda soo dhaweeyay ma quuri waydeen...
  • Ceegaag: Turab, Marka xaqiiq laga hadlo cid ammaanani ma jirto reer SSC, ha ahaadeen ISIMMO ama SIYAASIYIINBA ee uu...