|

Daawo:Wasiirkii warfaafinta Khaatumo“Laba Oday ayaa Caynaba ku sheekaystay, ee Khaatumo iyo S.land Heshiis ma gelin”-Video

Siyaasiga Axmed Maxamed Xasan  (Gacmo-yare) oo Horay usoo Noqday Wasiirka Warfaafinta ee Khaatumo ayaa ka hadlay ugu horayn Heshiiskii dhowaan Caynaba ku dhexmaray Dr. Cali khaliif iyo Axmed Maxamed Siilaanyo.

“Laba Oday ayaa Caynaba ku sheekaystay, Khaatumo iyo Somaliland Heshiis ma gelin,   Dadka Reer  Khaatumo inay Soomaali ka go’aan Marnaba  kama aysan Hadlin,   Somaliland kuwa la baxay  Intay Soomaali diidan yihiin anagu waxaanu diidanahay Maamulkooda “ Ayuu yidhi.

Isagoo kahadlayey Arimaha Doorashooyinka Somalland ayuu sheegay inaysan ahayn wax  Qusayeeya Deegaanada Khaatumo,  Wuxuuna shacabka  ugu baaqay inaysan u kala Hiilin  Saddex Nin oo Ilmaadeer ah.

Axmed Gacmo-yare Mar uu  ka hadlay Hadalkii dhowaan kasoo yeedhay maamulka Puntland  ee lagu sheegay  inaan Gobolada Sool iyo Sanaag ka dhici doonin doorashada Somaliland  ayuu yidhi ” In badan waxaad Maqasheen  War Murtiyeed soo baxay, Balse Fadhigii Baarlamaanka Puntland waxaa kasoo Baxay War-Caruureed. “

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ugu dambayntii wuxuu sheegay in Guud ahaan Soomaali  uu  Madaxwayne u yahay Farmaajo, Halka uu  R/wasaare u  yahay Xasan Cali Khayre,  Wuxuuna sheegay in la joogo wakhtigii Xaqiiqda la Wajahi lahaa oo dalka la dhisan lahaa intii caadifad meel la iska dhigo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=53284

Posted by on Nov 12 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo:Wasiirkii warfaafinta Khaatumo“Laba Oday ayaa Caynaba ku sheekaystay, ee Khaatumo iyo S.land Heshiis ma gelin”-Video”

  1. Bismillaah

    Gacma yare iyo raggii jaaliyadda Nairobi gudiga u ahaa, ma awel mise hadda, miisaankii ay quluubta dadka Khatumo ku lahaayeen, way iska dayaceen, awel waxay ahaayeen xaq u dirir aan cidna ka yeelin dabin daabyada Khatumo, laakiin, waxay iska lumiyeen markii ay Khatumo ka hor yimaadeen iyo madaxdeeda, oo Bilaadu bintna taageereen, si badheedha oo aan qarsad lahayn,
    indho laàan-na ahayd.

    (Suaal? Yaa idiin og in aad u dagaalamaysaan Somalinimo mid ah); reer Khatumo qaarkood iyo waliba gacmo yare-ha wali wada dawarsigii lagu bahdilay madaxdii hore ee SSC/Khatumo iyo kuwa hadda haya xilka iyo shacab weynaha Khatumo ee caalamka, kelmadahan daciifnimadu ka muuqato “waxaan u dhimanaynaa Somalinimo” cid idiin og haba yaraatee, lama hayo. Waxa haboon, idinka oo leh qiimo, in la idin baryo. Dadka reer Khatumo iyo madaxdoodu waa inay wada eegaan waxa u danah, mustaqbalka ubadkooda iyo jiilasha danbe ee reer Khatumo.

    F.G Dawladihii soo maray Somalia: Carta, Tii ina Yeey, Tii Sh. Shariif, Tii Guurguurte, dawladahaasi waxay soo wada bahdilen reer Khatumo iyagoo leh “Somalinimo mid ah ayaanu u dhimanaynaa”. Wax loo taro daaye, way soo wada xabaaleen reer SSC/Khatumo. Carta ayaa loo qaatay, xaga dabin daabyada, waxtarna daa, tii sh. Shariif 4 Xildhibaan bay Faroole siisay iyo wixii xuquuq ay lahaayeen reer Khatumo, Tii Guurguurtena, wax walba oo reer Khatumo lahaayeen, waxay siisay 2dii maamul ee hareeraha. Waxa ugu danbeeyey bahdilaadii la inagu hayey, m/wynaha Khatumo Dr. Ali 8 bilood buu geed dheer iyo mid gaaban u soo maray, jawaabtoodiina waxay wada noqotay, adeer iska taga, oo ha nagu soo noqonina waxba idiima haynee. Tag tag, baa lagu soo maca salaameeyey.

    Adeerayaal, caqligayaga ha isku deyina inaad ku ciyaartiin, goortii la idiin soo qayilsiiyo, idinkoo adeegayaala. Ogaada dadka aad la hadlaysaan ee doonaysaan inaad wax ka dhaadhicisaan, idinka aqoon badan, idinkana caqli badan.

    Talo, reer Khatumo iyaga oo waqooyi ah Xamar ha la xisaabtameen. Khatumo iyo S/landna waxaan leeyahay xaqiinii ka wada doonta Somalida koonfureed oo la xisaabtama, ” Geeljirihu geela waa dada jirtaa waana kala jirtaa”. Laakiin waa marka aynu jaanta isla helo kuwan hadda wada hadalku inoo wada socdo, reer Khatumona ay ka helaan xaqii naf iyo maal ee ku maqnaa S/land. WBT

  2. Gacma yare wuxuu ka mid yahay kooxda ku dheeshay jaranjarada meesha dhexe Korna ma gaadhin hoosna ma joogaan xamar buu Sii fadhiistay isgoo is Leh
    Khaatumo caanaheeda xamar ku maal lkn waa noqon wayday
    Waxaanba nacay siyaasada soomalida ee Kuli la Rabo in Hal Hal
    La maasho colaada dhan sabateedu waa Hal geel oo in la Wada maasho la
    rabo bal maandeeq yay Wada deeqi

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: oo dhulbahantow ma tolkeen ayaad xiniinyo u leediheen yaa idin ka futa xun ciise hadii aad far ku fiiqdaan tan...
  • Ceegaag: Aar nagadaaya ciyaarta odaygani waa kii ilkaha la’aaye.
  • Ceegaag: IYAA! Kolay sabab baa keentay baan filayaa in nimankan la xidhxidho, waa in wixii kacaan-diid ah la...
  • NINA: Habarjeclo=cududii dhaqaale Habarawal=dhaxal siyaasadeed oo hore (cigaal) Habar yoonis+ ciidagale= foot...
  • NINA: Cirro wuxuu noqday siyaasigii ugu doqonsanaa isgoo Helay codkii shacabka ayuu U tanaasulay Koox Beri uu marxuum...