|

Cali Khaliif oo Hargeysa Socdaal ku jooga Xili maalinta Beri ah Deegaanada Maamulka Somaliland doorasho looga dareeri doono…

Madaxwaynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo Mudooyinka dambe ku sugnaa magaalooyinka Buuhoodle iyo Widh-widh, Sidoo kalana Kulamo kala duwan Caynaba kula qaatay XUbnaha Somaliland, kuwaasi oo ay kasoo baxeen in Khaatumo Qayb ka noqoto Somaliland ayaa laga soo waramayaa inuu Soo gaadhay magaalada Hargeisa.

Ilaa hada ma Cada Sababta ka dambaysa Safarka uu ku tagay Hargeisa Xiligan, Iyadoo maalinta Berri ah Doorashada looga Dareeri doono, Waxaana Maanka Qofkii Arintaasi maqla kusoo dhacaya ” Ma kormeerayaasha Doorashada ayuu ku Biiray, Ma Codkiisa ayuu dhiibanayaa, Mise Cida soo baxda ayuu ka warsugayaa ” ?

Si kastaba ha noqotee Cuqaasha, Isimada, Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku gacansaydhay Heshiiskii dhowaan ay Caynaba ku gaadheen Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, Waxaana sidoo kale la filayaa inuu meesha ka baxo hadii ay soo baxaan Musharixiinta aan ahayn Kulmiye.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=53261

Posted by on Nov 12 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Cali Khaliif oo Hargeysa Socdaal ku jooga Xili maalinta Beri ah Deegaanada Maamulka Somaliland doorasho looga dareeri doono…”

  1. Oo ma hadduu meel haystaa, waa haad meel waayaye.

    Waxaan u arkaa oday majarihii ka lumay oo meelihiisaa iska meehannaabaya

  2. Oo ma hadduu meel haystaa, waa haad meel waayaye.

    Waxaan u arkaa oday majarihii ka lumay oo meelihiisaa iska meehannaabaya.

    Dhinaca kale, SADDEXDII XISBI XAYRAAN berri bay RUWAAYADOODII soo bandhigayaan insha Allah. Iyaa, sheeko murqaan uun ka soo qaad

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...