|

Daawo- Dr- Ali Khaliif oo si shuruud la’aana u saxiixay Mabaadiidii Beesha dhexe ee gooni-goosadka SL-VIDEO.

Xubnihii ka socday Khaatumo ee uu Hogaaminayey Cali Khaliif Galaydh ayaa magaalada  Caynaba Heshiis kula Saxeexday Maamulka Somaililand.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa Qodobada lagu Xusay Shirka Jaraa’id ee Warbaahinta loo Qabtay ka mid ahaa ” Ilaalinta Madax banaanida iyo Jiritaanka Somaliland iyo in Distoorka dib loo Furo si loo simo Awood Qaybsiga, In Khilaafka lagu dhameeyo Wadahadal iyo Jid Nabadeed.  “ Su aashu waxay tahay dastuurka laga doodayo ee la furayo, hadiiba mabdii la isku hayeey la saxiixay ” ayuu yidhi xeeldheere arimaha siyaasada ku taqaqusay oo horufadhi media wax ka weydiisay heshiiska.

Sidoo kalana waxaa Warbaahinta ku hadla Afka Somaliland ay sheegtay inay Xubnaha khaatumo Aqbaleen inay yihiin Qayb kamid ah Somaliland. Balse waxa qodobada ku cad in sheegashadoodu ay tahay run, isla markaana Ali khaliif oo madaxweynihaa Khaatumo weli ah oo galay taariikhda ah ninkii saxiixay gooni goosadka SL shuruud la’aan.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=52358

Posted by on Oct 20 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Daawo- Dr- Ali Khaliif oo si shuruud la’aana u saxiixay Mabaadiidii Beesha dhexe ee gooni-goosadka SL-VIDEO.”

  1. Bismillaah

    Caynaba, Ceeb baa ka dhacday, bal waxay ummadda u keenaan, ha la eego. Haddii, ay sidaa ku saxeexeen, waxan aan lagu wada heshiin, waa ayaan daro kale. Ha la sugo waxay la guryo yimaadaan.

    Aniga waxay ila tahay ilaa 1991 kii markii ay sheegteen inay go`een iyo wixii ka danbeeyey dagaalo ayaa ka dhici jirey min Hawd ilaa Sanaag, dad badan oo reer Khatumo wada ah baa ku dhintay, xaqii dadkii kumaakunka dhaafay ee ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ama ku hanti beelay, maxay ku qancin doonaan, ma sidii kilo sonkora baa loo miisan.

    Ilduuf kii ugu xumaa ee ay sameeyeen gudigii reer Khatumo metelayey, ugu horeyn waxay ahayd inay ku yidhaahdaan Siilyaanyo gurigayagii oo aad xoog ku haysatid baad xoog ku soo seexatay sidee waraaqo kuula saxeexanaa. Bal waxay inoo la yimaadaan, ha la sugo. WBT

  2. Bilaa shuruud la’aan miyaa heshiis lala galay SNM?!
    Bal ha yimaadeen oo ha fasireen waxay ku soo bedesheen war saxaafadeedkan dhinaca ka raran!

  3. Kkkkkkk dulli fooqal dulli awalba Cali wuxuu ahaa nin waalan oo dad waalan doorteen bal waxay wali sii leeyihiin kuwa wax qorayaa aan dhawro wuxuu inoo sheego?! muxuu idiin sheegaa isagiibaa biya qaadeene???!!! Kkkkkkkk

  4. heshiiska ha la soo dhoweeyo marka la heshiiyo ayaa wixii dhiman laga wada hadlaa laakiin hadii aan la is af garan side wax kale looga wada hadli karaa guul guuul guuuul ayaanu leenahay.

  5. Horufadhi ma xasanadkii ayey kala noqotay M/weyne Galaydh? Mar qudha may odhan “M/weynaha Khatumo” siday odhan jiren. Immika waa “Clai Khalif Galaydh” oo keliya.

    War cad Horufadhiyow. Nacde M/Weyne Galaydh

  6. Dhoohane waxna ma maqlo taariikh iyo siyaasadna ma yaqan. qurjiga iyo siyaasadad malaa meel wada galaan?

    1. Prof Galayr isagaa wax ka dhisay Somaliland 1991kii. Xaqiiq
    2. Wuu ku caasiyay markuu Carta wax ka helay oo cadowga Somaliland ee ina Gelle doonayay inuu somaliland ku burburiyo

    3. Wuxuu isku deyay 20 sano inuu dumiyo Somaliland. Koofur buu baryey iyo madaxa iyo minjaha qabsaday oo yidhi kaalayaoo ila dumiya Somaliland. Wey diideen. Waxay ku yidhaahdeen ” qatumo xay tahay?” Waraa Darood Qaldaan lee ah ma tihidoo? Soo daba fadhiiso Puntland ama Somaliland

    4. Runtuu soo taabatay: Soomaliya qiimo iyo qadderin Dhulbahnte ka leeyaha ma jirto. walaahay oo billaahay oo tolllahay yixirta koofureed baa idinka qiimo badan markaad Xamar joogtaan!

    5. Prfesor Galaydh wuu danayastay oo idiin danayeey. Reer woqooyi laysku tuur. uff iyo akhas baa layna yidhi. Ama aan heshiinoo ama aan isdilno.

    Waa oday ruugcadaa ahe nabad buu doortay

  7. qorog waxba ha noo amaanin cali khalif waa naqaan wax uu yahay iyo waxa uu gudo intaas ayaan kaa leeyahay.

  8. qorog cali waxba idin soo kordhinmaayo dhulbahantana waxba kala ma tagin isga oo socda ayuu idin yimi bal meel geeya oo aan aragno waxa uu idin tadho.

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: oo dhulbahantow ma tolkeen ayaad xiniinyo u leediheen yaa idin ka futa xun ciise hadii aad far ku fiiqdaan tan...
  • Ceegaag: Aar nagadaaya ciyaarta odaygani waa kii ilkaha la’aaye.
  • Ceegaag: IYAA! Kolay sabab baa keentay baan filayaa in nimankan la xidhxidho, waa in wixii kacaan-diid ah la...
  • NINA: Habarjeclo=cududii dhaqaale Habarawal=dhaxal siyaasadeed oo hore (cigaal) Habar yoonis+ ciidagale= foot...
  • NINA: Cirro wuxuu noqday siyaasigii ugu doqonsanaa isgoo Helay codkii shacabka ayuu U tanaasulay Koox Beri uu marxuum...