|

Muuse Biixi Mujaahidnimada wuxuu ku qaatay Dagaaladii Buhodle, Xudun & Habarheshay hadana cod buu ku rabaa.

Muuse Biixi Abdi wuxuu ka mid yahay xubnaha sharaxan, dad badani waxay is odhan karaan maxaa looga hadlayaa, waa laga hadli, maxaa yeelay dalkii maanta waxa ka jira waa in laga hadlaa, Muuse Biixi iyo Abdiraxmaan Cirrona waa kala duwanaan karaan taariikh ahaan, Muuse wuxuu sita Darajada Shahiid inkastoo aan la arag Shahiid nool hadana wuxuu ku jahaaday waa dagaaladii uu ka dhigay Buhodle, Qoodha taag iyo Habari heshay ee lagu laayey xoola dhaqatadii Dhulbahante ee Hawd iyo Nugaalba.

Maantana wuxuu doonaya cod, wuxuu rabaa inay doortaan Aagoontii la Somaliland-neeyey ee deegamada la haysto ee la sheegay in la iska diiwaangashay, wuxuu sheegnayaa inuu Jahaadnimo ku galay inay doortaan.

Hadaba waxa isweydiin mudan 23kun ee la yidhi Laaskeey iska diiwaangasheen 10ka kun ee deeganada Xudun iyo Taleex ku xeeran iyo koonfurta Laascaanood oo inahaas in le eg lagu sheegay ma mujaahidkeey leeyihiin codka hooyoo nagu sii jahaad mise koley hadeey Gunimo qaayibeen oo is xoreen waayeen maamulkoodiina diideen oo inay wax noqdaan laga kari waayey waxay ugu yaraan darajadan dhiigii Dhulbahante Gudabiirse iyo Warsangeli lagu qaatay ayeey qaadici doonaan.

 

Taariikhda ayaa fasiri doonta hadii Alle idmo marka la gaadho 13ka bisha danbe

Mubaraak Ciise

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=52298

Posted by on Oct 19 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Muuse Biixi Mujaahidnimada wuxuu ku qaatay Dagaaladii Buhodle, Xudun & Habarheshay hadana cod buu ku rabaa.”

  1. horfadhiyow iidoor idin gumee waxba ha calaacalinina af wax ma taro ee ficil ku badala hadalada aad halkaan ku soo qoraysaan.

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: oo dhulbahantow ma tolkeen ayaad xiniinyo u leediheen yaa idin ka futa xun ciise hadii aad far ku fiiqdaan tan...
  • Ceegaag: Aar nagadaaya ciyaarta odaygani waa kii ilkaha la’aaye.
  • Ceegaag: IYAA! Kolay sabab baa keentay baan filayaa in nimankan la xidhxidho, waa in wixii kacaan-diid ah la...
  • NINA: Habarjeclo=cududii dhaqaale Habarawal=dhaxal siyaasadeed oo hore (cigaal) Habar yoonis+ ciidagale= foot...
  • NINA: Cirro wuxuu noqday siyaasigii ugu doqonsanaa isgoo Helay codkii shacabka ayuu U tanaasulay Koox Beri uu marxuum...