|

Xasan Shiikh Muxuu ka yidhi Maalinta Calanka Umadda Soomaaliyeed oo maanta ku asteysan?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Calanka Soomaaliyeed u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu kaga hadlay maalinta qiimaha leh, isagoo xusay inay tahay maalin mudan xusuus iyo weyneyn.

“Maanta oo ah 12 October, waxay ku asteeysan tahay maalintii ugu horreeysay ee Calankeenna Soomaaliyeed gayiga laga taagay, Sannadkii 1954tii. Waa maalin inaga mudan xusuus iyo weyneeyn sidaa darteed, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa maalintaan qiimaha innoo leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

“Calanka, waxaa naftooda u soo huray halyeeyo Soomaaliyeed anagana waxaa ina laga baahan yahay inaan muhiimadiisa dhowrno islamarkaana ilaalino, kana shaqeeyno Qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

“EEBBE, waxaan ka baryayaa Soomaaliya oo mid ah, xasilloon, hiigsatana horumar baaxad weyn.”

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51938

Posted by on Oct 12 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Xasan Shiikh Muxuu ka yidhi Maalinta Calanka Umadda Soomaaliyeed oo maanta ku asteysan?”

  1. Bismillaah

    Kan, ma dadkii buu soo hor istaagaya wali, inuu ummadda ka dhuunto baa uga roonayd, soo indho cadaantan. Wuxuu iska lumiyey 54 bilood, oo uu xilka m/weyne haystay. Taariikhda waa madaxweynihii ugu tayoda xumaa ee soo maray Somalia guud ahaan. Derajada, musuq maasuqa ee lagu qiimeeyo madaxda dalalka adduunka, baa loogu qiray, inuu ahaa madaxweynihii ugu liitay ee Somalia soo maray. Waxa kaloo lagu caddeeyey warbixintii UN ta ee sanad laha ahayd, inuu ahaa ahaa madaxweyne mafia iyo dawlado kale dabada ka wadeen, oo maqaar saar uun ahaa, una arrimin jireen, siiba Qatar iyo Saudiga iyo UAE, oo kala argti wada ahaa. bal warbixintan youtube taal eega->

    https://www.youtube.com/watch?v=eAG5FNV52ds

    WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog