Loading...
|

Madaxda Maamul Gobaleedyada oo la wareegay awoodii Golaha Aqalka saree ee Baarlamaanka,arag.

Madaxda shanta Maamul goboleed oo maalintii shalay shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa la wareegay awooddii Aqalka sare oo u taagneyd matalaada danaha dowlad goboleedyada ee ka midka ah dowladda Federaalka.

Dhismaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee ay ku mideysan yihiin Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa uu mar kale su’aal ka keenayaa awooda Aqalka sare oo ka mid ah Hey’addaha Dastuuriga ah ee Federaalka.

Sidoo kale dhismaha Golahan waxaa uu howl gab ka dhigayaa Aqalka sare oo loo sameeyay inuu ilaaliyo danaha dowlad goboleedyada ahna Hey’ad Dastuuri ah

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa xilligan ku heysta dowladda Federaalka qodobo ka mid ah Dastuurka oo muhiima gaar ay u leedahay dowladda Federaalka, waxaana ay aheyd in Aqalka sare ay arrintan uga dambeeyaan maadaama ay ku matalaan Federaalka.

Madashii Wadatashiga Qaran ee dowladdii hore ayaa la xusuustaa sida ay awooda iyo talada ugala wareegaan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo dhismaha Golahan ay u muuqato tallaabadaas oo kale.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51949

Posted by on Oct 12 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • kalshale: war aniga waxaaba iiga daran nin waalan oo aan miyir qabin aan waxba kala ogayn ayuu odaygii wax...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay? Kkkk @Turab, duq Galayr waa xaggee guriga uu ku soo noqonayaa?...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay?! Mise futadii xumayd ee Iidoor buu galay. Midda kale, mar la arkaba...
  • Turab: Bismillaah Fadlan, dadka aan reer Khatumo ahayn kama hadli karaan arrimaha Khatumo. Ha la sugo maamulka iyo...
  • qorrog: Qariidadhaye Waar ilaah baan kugu dhaarshee makaa dhabba isla weynaantani? Ma Iidoor oo dhan baad isku...