|

DAAWO:Ra’iisal Khayre oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Munaasibadda Maalinta Calanka,Muxuu ka yidhi Xaalada Dalka-Video

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay si dadban uga hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta, ka dib markii shalay Madaxda maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo ay ka soo saareen War Murtiyeed culeys ku ah Dowladda Federaalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka October, laguna soo bandhigayay Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa wuxuu ka sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin dhaliil dalka lagu burburinayo.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku baaqay inaanan la ogolaan dhaliil ujeedo gaar ah laga leeyahay, laguna fushanayo dano qaasa, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ee niyad jabka ka muujiyay xaaladda dalka u sheegay in Madaxda maanta aanay ahayn sida kuwii hore oo kale.

“Waa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51959

Posted by on Oct 12 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Ceegaag: Beyle ma tagi karo gobolkii uu ka yimi, dadkuu ka dhashay Hargaysaa canshuurta ka gurta markaas buu rabaa...
  • qorrog: Mashallah. Waa good nayuus. Anigu waxaan odhan lahaa Dhulbhanta iyo Habr jeclona hallaga iibiyo cimaaraadka....
  • Ceegaag: Asc. Horta khilaafku waa wax sunna ah oo mar la arkaba iman kara, lkn sidee loo xalliyaa oo yaa u gar...
  • Jamaal: Duff ku wax Cali ciise Hurdaaye
  • Ceegaag: IYAA! Oo ina Ciise yaa ka soo salaliyay?! Ina Ciisoow dee heshiiskan iyo Tukarraqdan aad ka hadlaso waa...