|

DEG DEG:War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Kismaayo uga socday Madaxda Maamul Gobaleedyadda Somalia

War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadarashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtyiyeedka lasoo saaray oo ka kooban ilaa 16 Qodob oo Xasaasi ah.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51908

Posted by on Oct 11 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “DEG DEG:War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Kismaayo uga socday Madaxda Maamul Gobaleedyadda Somalia”

  1. Bismillaah

    Waxan lagu sheego maamul goboleedada fedralka Somalia, xagay metelaan? Dhulalka ay sheegtaan, Alshabaab baa ka taliya 85% in ka badan. Waxay wada haystaan mandate laga siiyey Villa Somalia iyo UNIPOS, waa dulmi weyn, inay ku hadlaan af Somali.

    Haddii aynu dib u milicsano taariikhdii koonfurta Somalia. Talyaanigii, wuxuu koonfur uga tegay 8 degmo, halka dhanka kalena Ingiriisku uga tegay 6 degmo iyo 22 degmo suge, oo ay u dhamays tiraayeen nidaam iyo maamul. Khiyaamadii ugu horeesay waxay sameeyeen koonfurtu. 8-doodii degmo waxay ka dhigteen 8 gobol, halka qaldaan wiifyadii 6-doodii degmo laga dhigay 2 gobol keliya, waliba ay ku faraxsanayeen, q/wiifyadu dhacaa iyo dulmigaa lagu hayey. Haddii koonfurtu, ay Somalia siyaasiyan u kufsadeen ilaa 60kii, wali ma kufsadkii siyaasadeed, bay sii wadi. ” Aleysa lakum rajulun, rashiidun”. Waar ummadda Somalia Alle dartii, waa in looga dhawrsadaa.

    Dadkan ku nool koonfurtu, waxaad moodaa inay yihiin ama wada noqdeen ajinebi, aan aqoon wax Somalinimadu tahay iyo waxa ka dhaxayn jirey. Dhaqankii iyo wixii la wada lahaan jirey, maba oga; Somalia, reer koonfur, waxaad moodaa in loo soo diray oo la yidhi soo baabiya, waxay ku wadaan, yaraysi, iyo siyaasad xumo aanay u bislayn, shaqada ay mar walba damcayaan inay wax ka hogaamiyaan siyaasada dalka.

    Waxa hor boodaya, Siyaasiyiinta koonfur, ina C/rashiid Cali Sharmaarke iyo kuwo kale, oo ay ka mid yihiin kuwii badda la iibsaday. Xalweyste waa qof aan garanayn meesha uu ku socdo iyo wuxuu doonayo toona. Haddii habari u timaado oo tidhaahdo ii keen calooshaada, iska hubsan maayo, wuxuu hore uga tegaya meesha ay tidhaahdo tag, isagoo u fududeenaya oo weydiinayaa calooshayda intee bay kugu qaadanaysaa sugideedu, maxaadse i siinaysaa.

    Haddii aan u soo noqdo, kooxdan isugu tagtay Kismayo, macallinkoodu waa Xalweyste, gacan yarihiisuna waa sakiin, maxay soo saari karaan. ” Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday”. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog