|

Guddigii loo saaray kiiskii Qalbi Dhagax oo maanta warbixin u gudbinaya Guddoonka Baarlamaanka,Maxay wadaan?

Guddigii loo xil saaray kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo bishii Augusto ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in warbixin ku aadan baaritaankooda u gudbiyaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Guddigan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana Guddoonka uu u xil saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskiisa iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishii September, iyagoo la kulmay dinacyo kala duwan.

Warbixinta Guddigan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 10 October u gudbiyaan Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka, waxaana la filayaa in warbixintaas in la horkeeno Xildhibaanada golaha shacabka, si ay go’aan uga gaaraan, ugu dambeyn cod u qaadaan.

Kulamada guddigan ay yeelanayeen mudadii ay baaritaanka wadeen ayaa ahaa mid aan waxba lagala socon, isla markaana saxaafada ka war heyn.

Dad badan ayaa isha ku haya warbixintan iyo sida ay noqon doono, waxaana Kiiskii Qalbi Dhagax uu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lugaha la gasho, kaasoo la rumeysan yahay in taageero badan ku lumiyeen.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51866

Posted by on Oct 10 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...