Loading...
|

Daawo:Maamulka Somaliland oo ka qayliyey Hawadda Somalia ee Muqdisho la gaynayo iyo Shir Addis ku dhexmaray-Video

Wasiirka Duulista iyo Hawadda ugu magacaaban maamulka Somaliland, oo dhowaan warbaahinta ka sheegay inuu Itoobiya Shir uga qayb galayo ay la leeyihiin  Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayaa dib ugu soo noqday Hagreisa  Wuxuuna ka hadlay Arimo dhowr ah.

HALKAN RIIX DAAWO 

Wuxuu sheegay inaan dawladda Soomaaliya Weli si rasmi ah loogu wareejin Hawada Soomaaliya, Balse wuxuu guul ku tilmaamay inay soomaaliya Tallaabo Fiican horay u qaaday.

Waxaa xusid mudan inaan Dawladda Federaalka Soomaaliya aysan War Ramsiya kasoo saarin Wadahadalka oo Labada jeerba laga sheegay dhinaca Somaliland, Waxaana Dawladda Soomaaliya ay dhowaan Muqdisho ka hirgelisay Qalabkii lagu maamuli lahaa Hawadda Soomaaaliya oo dhan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51748

Posted by on Oct 7 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

10 Comments for “Daawo:Maamulka Somaliland oo ka qayliyey Hawadda Somalia ee Muqdisho la gaynayo iyo Shir Addis ku dhexmaray-Video”

  1. Bismillaah

    Wax ka jira ma jiraan qayladooda, waa been iyo ku qabso ku qadi mayside. Dhulkii Xsomaliland, bay boob ku hayaan, Bohol oo ah tuulo yar, dadka degana ay xaajiyadi qaado, baa ugu danbaysay, waxay dhacdaa degmada Xudun duleedkeeda waqooyi, siyaasiyiin iyaga la jooga bay ku qasbaan inay la tabceeyaan dadkooda iyo dhaca dhulalkooda loo yaqaan reer Khatumo, gaalo iyo islamba. Reer ka sheeganaya Somaliland keligood ma leh. Waana tuugonimo, dhul iyo hawo lawada leeyahay inay keligood sheegtaan. Heshiisyadoodii, ay la galeen dadka isir ahaan ka soo jeeda waqooyi iyo kan hadda ay la wadaan Khatumo, mar walba waxbaa ka khaldan. Maamulkan Somaliland way ku qaldan yihiin qaabkan ay wax u wadaan, waxay is yidhaahdeen malaha sidan bay ugu wax badisaa. Somalia, si cad oo loo wada dhan yahay ha loo wada xisaabtamo. Beel magac ummadeed ku faashlaynaysaa keligeed, waxba ma soo dhicin karto. WBT

  2. Turub

    Horta in hawo hala soo celiyaa la yidhaah ayaa qalad ah waayo khilaaf kii siyaasada Somaliland Iyo Somalia iyadoon laga heshiin. Waliba khilaaf ka Somaliland Iyo Somalia waa mid la kowsaday 60 kii oo muran ma gasho ah. Reer waqooyi israacsan oo midnimo 60 kii wadajir u ansixiyay ma haysaa? Waa maya

    Horta isaaq 61 kii buu cadeeyay inaanay ogolayn raali na ka ahayn midnimada ka shacab ahan. Waa muran ma gasho. Kolka midnimada sideeda ba sharci ma ahayn.

    Anyway taas hadaan ka imaado Somalia Iyo Somaliland heshiis iyakoon xaga ku ahayn Somalia yaa xaq u siiyay inay tidhaah hawo hala soo cesho.

    Kulil fidmo calaa Somalia weeye. Waxan Somalia bilowday Dee jawaabteeday heleen. Anaka waxba Hana qabqabsanee bahasha Somalia bilowdayee iyaka u sheeg inay joojiyaan waa haday wax kaa maqlayaan.

    Inaka waxba ha nagu boodine xamar ba bilowday waliba tooda tuugnima ku jirta. Adiga waxaaga waan kaa siin hadaan reer waqooyi waxooda u badbaadiyo. hargeysa waa xaruntii reer waqooyiga. Inaku waxaanu rabnay bahasha in aan lagu degdegin illaa heshiis saaxi ah laga gaadhayo Dee Somalia ayaa ka deg degtay oo tidhi mandharaari, Dee Anna waxaan idhi waa igu mudka oo bahasha waa loo yaacay xageeda.

    Somalia eeday hadaad cid eedaynayso.

  3. Turub

    Hadaad ahlul cadaala tahay ka jawaab su’aashaydan.
    Somalia yaa xaq u siiyay inay tidhaah hawaan soo celinaya iyadoo khilaaf buurta ka wayn meesha taalo?

    Khilaaf ka hadaad kuu taabto adigu ba ka jawaab ma jirtaa meel shacabka reer waqooyi oo is raacsani midnimo ugu codeeyeen hala galo? Look at it back 1961 Somali national constitutional referendum. Inaka isaaq no baan ugu codaynay dastuurka. Halka waxa ka muuqda sharci jabin caalamiya.

    Tiiyo midnimada la isku haysto yaa fasax u siiyay reer koonfureed ku kaligood inay yidhaah daan hawo hala soo celiyo tiiyoon cid reer waqooyi ah lala tashan?

    Kolka hadaad eed saaray so somalia weeye cidaasi. Somalia sida bilowday oo ay sida wax ugu badisaa EE not Somaliland. Anaku waxaan lahayn halaga fiirsado bahasha yaan lagu degdegin. Dee Somalia howsha Iska gashay inakuna waa inaan talaabo qaadna we won’t watch it you know?

    Waliba iyaka maan kooda waxa ku jirta siyaasada uga faaidaysta oo dhaqaalahooda u adeegsada burburkooda halkaas bay wax u wadaan.

    Iminkana waxaanu hordhigaynaa 3 solutions inay Kala doontaan.
    1. In heshiis kii Istanbul la raaco
    2. In xafiiska FIR ta labo loo Kala jabiyo oo mid xamar ah Iyo mid hargeysa ah noqdo oo sida ku Kala madaxbanaanaano.
    3. In bahashu cid kale gacan ta u gasho, cidaasina waa itoobiya obviously. Way dhaanta inta lakala gayn lahaa hindiya Seychelles, Kenya Iyo itoobiya waayo way adkaanaysa waxaa so dalal ah inta laga Kala doonayo waxa ka fudud in itoobiya loo wada dhiibo.

    Reer Somalia fidmada horseeday haatana haka dabaashaan.

    3 da solution mid aan ahayn qaadan mayno oo inoo cuntami mayso.
    Ama waa hargeysa carabta guud oo labo gudi ba oo farsamo ayaa loo saari, ama Laba loo Kala jabsan ama waa itoobiya qaadan. 3 da bay ka dhaxaysa.

  4. Carabta guud= xarunta guud

    Sixitaan

  5. Bismillaah

    Dawlada Xamar fadhidaa iyadaa caalamiyan haysata mandate Somalida, waxa la iskaga celin karaa wadajir reer waqooyi iyo dood dhisan oo cilmiyeysan oo loo wada dhan yahay.

    Bi kulli ixtiraam, aragtidaada xoogaa marqaana ka muuqda. Isku biiridii doodi kama taagna, waxa loo codeeyey 3 dii xisbi ( USP, NUF, SNL) ee sharciga ka ahaa xafiiskii gacmadheere, waa gaaalkii ingiriiska aha. Doorashadii loo qabtay intaan la qaadan calanka 26kii, waxa la yidhi xisbi waliba waa inuu ummada u soo bandhigaa aragtida uu ka duulayo. NUF waxay yidhaahdeen go`id, USP waxay yidhaahdeen 6 bilood aynu dawlad noqono + isku biirid, SNL waxay keentay bilaa shuruud aynu ugu biirno. 6 dii degmo ee markaa waxa lagu daadiyey waraaqo lagu diidan yahay ragii NUF ta oo calankeedu ahaa kan maanta SNM, waxa la yidhi gaala la daaqyada yeeli mayno, rayigoodii waa la diiday. Waxa isu soo hadhay USP iyo SNL, waxa haddana la daadiyey waraaqo kale bilaa shuruud taageersanaa oo lagu qoray laa yaa garaad, yacnii 6 bilood aynu dawlad noqono baa la diiday. Sidaasaa rayigii ina Cigaal shacabku ku wada taageeray, isagoo da`ahaan ugu yaraa ragga hogaaminayey xisbiyada markaa jirey. Xamar markii la tegey ina Cigaal xisbigiisii waa lagu wada bahdilay, qaldaan wiif baa loogu bixiyey. USP baa xoogaa raisal wasaare ku xigeen 3 wasiir iyo 7 DG ka helay. NUF tii raggii hogaaminayey waxa ay heleen 5 tii safaaradood ee Somalia yeelatay, Qaybe/UK, C/raxmaan Tuur/Ethiopia, Ina maryama/masiixi/Zambia, Caamiye, ninkii 5naad waa iga maqan yahay.

    Datuurkii dalka guud ahaan, waxa loo codeeyey 1961kii. Waana la wada ansaxiyey, iyadoo loo wada dhan yahay, iyana tuug ma xado. Inqilaabkii saraakiishu wuxuu ahaa 1962gii, reer waqooyina way u dhamaayeen, wuuna ka fashilay, lamana dilin ee waxa laga dhigay dad loo wareejiyey shaqooyinkii kale ee dawlada.

    “Taladu iyadu kuguma noolee, adaa ku nool” Hawada inta si hufan loola xisaabtamayo Koonfur iyadu ha sii maamusho. Haddii waqooyi meel laga hago diyaaradaha laga samaynayo Buurta Daalo halaga taago tower-ka, wax walba oo waqooyi loo nisbeeyo xaq ma aha in Hargeysa loola ordo. WBT

  6. Fiirogaara. Calamka (flag) markii SNMtu qaadatay, ee halgankoodii, waxay yidhaahdeen waar calankii ina maryama masiixi, ee ka ahaa gudoomiyaha xisbigii NUF ta, shacabku wey inagu diidaye, aynu xidig madaw oo tilmaamaysa Somali diidnimo iyo kemada tawxiidka aynu dhexda uga qorno. Caadifad, calam ummadeed ama degaan metelaa, sidaa laguma sameeyo, kumana noqon karo, wax dadka mideynaya. Waayo calamada waxa lagu sameeyaa astaan ka muuqata dadka uu calanku kulminayo, waxa u dhaantay kan buluuga ah oo ay bil ku darsadaan, inay qaataan.

    Waxan, ay hadda ku dhoob dhoobeen, dastuurka, calamka, lacagta, ciidanka, magaca wadanka. Intuba waa wax dhac lagu wada bineeyey, oo aan wada metelin, dadkii dhulkan wada lahaan jirey. WBT

  7. “Dawlada Xamar fadhidaa iyadaa caalamiyan haysata mandate Somalida, waxa la iskaga celin karaa wadajir reer waqooyi iyo dood dhisan oo cilmiyeysan oo loo wada dhan yahay.”

    Run bad sheegtay. Xaqqiqda taal meesha waa taal. Haddii SXomaliland oo loo siman yahay oo cadaalad ah la helo weynnu midoobi karraa oo hadhowna haddaynnu rabno inagoo mideysan koonfur wax la qaybsan karnaa ama odhan karnaa waar ina kala kexeeya.

    Turabow Iidoor anigu runtaan u sheegaaye maxaad adiguna Darood woqooyi runta ugi sheegi weydya: Xamar uff iyio akhas baa laydinka soo yidhi. Alla igu og anaa ka argagaxay oo ka khajilay sida Dhulbahante loola dhaqmay markay Xamar tageen maalintii Madasaha wadatashi.

    Car runta isu sheega. Car iyo boor

  8. turab

    taariikhda oo been laga sheega waa halis,

    mid xasuuso somalia iyo somaliland waxay ahaayeen labo estate oo israacay.

    taasi waa muran ma gasho, sadex xisbi ayaa lakala doortay waa USP, SNL iyo NUF.

    taasi midnimo dhex martay somalia iyo somaliland sharci kama dhigayso.

    waxaa meesha bar bartaala. labadii baarlamaan ee somaliland iyo somalia 1960kii waxay isu soo direen act of unions mid ba mid ka kale kiisa uma saxeexin, haye halkan bay sharciyadu ka bilaabmaysa.

    hadaan usoo laabto aftidii 1961, for a fact waatan.

    sideedaba labo dal , ama labo estate xitaa labo gobol ku sheeg, haday israacayaan, waa in process yadan la dhameeya.

    1. act of union waa inay si official ah u kala saxeexdaan taasi ma dhicin at all.
    2. labada shacab ee labada geesi waa inay si siman u wada ansixiyaan. hadaba ka dabaalo natiijadan oo ah aftidii 61 kii ka qabsoontay dhulkan somalia iyo somaliland.

    http://somalilandlaw.com/The_1961_Referendum_Table1_Note.pdf

    waxay sheegaysa, in burco, berbera, hargeysa iyo ceerigaabo reject gareeyeen dastuurkaasi. only laascaanood iyo borama uunba ha yidhi.

    waata sharciyadii aad ku doodaysay. labo estate oo labadooda shacab is ogolayn waxna ka dhaxayn.

  9. turab

    xasuusin mudan, dowlada federalka ee somalia waxay metesha koonfur ee somali oo idil ma metesho.

    somaliland iyo khaatumo midkaayo qayb kama ahayn heshiiskii 6 da saxeexayaasha ahaa ee road mapka. federal deal lala galay somalia ma jirto, sida awgeed dowlada federalku somaliland af uunbay ka sheegata.

    kolka wax alagu yidhi waan noo keenteen maamul goboleed yadii 6 da saxeexayaal ahaaye, somaliland meeday, kolka way ku qadhaadhaatay bahashu.

    tii yoo la ogyahay in wax sharci midnimo aanu dhex marin somaliland iyo somalia, ayay hab federalism ah u boodeen, kalamaynaan qayb qaadan. kolka mandate uma leh without somaliland permission.

    ICOA waxay tidhi waxan ood sheegatay permission ka wada keenso. dee somaliland permission kama haysato, laakiin maamul goboleed yadii kale koonfurta permission bay ka keensatay. sida awgeed waa laga diiday.

    teeda kale Hargeysa waa muran ma gasho, ama qayli ama cirka u kac, hargeysa waa caasimadii gobolada waqooyi, waa bartii calanka baluuga ah eed sheegto laga taagay, meesha qudha ee madaar dhisan oo run way aday leh xitaa ka tayo fiican madaarka muqdisho waa hargeysa.

    kolka hargeysa caasimad nimadeeda waa muran ma gasho. iyadaana xarun u ah reer waqooyi oo idil sidoo kale shanta somali oo idil.

  10. turab

    hadaan usoo laabto calanka iyo waxyaalahan kale. waa wax laga wada xaajoon karo, kala qaad masiirka hawada sare iyo siyaasada gudaha somaliland.

    masiirka hawada sare maahan mid ciyaar la galin karo. nimankaasi reer koonfureedka waanu naqaana, bahasha waxay ugu waalan yihiin waa colaad somaliland ka dhan ah inay u adeegsadaan,

    sida awgeed, maxaad u diidaysa hargeysa in laga wada xukumo maamulka hawada oo idil, macal tii koonfurtu ku jirto?

    maamulka hawada ICOA ayaa gacanta ku haysa, laakiin maslaxadu hortooday taala, kolba halkay u mariyaan.

    ama hawada somalia iyo somaliland oo guud hargeysa ayay xarunteedu noqon.

    ama bahasha qaydhiinka loogu kala goosan labo qaybood, ama hay’ada ayay gacanteeda ku hadhaysa waxay rabto iyaduna haka yeeshee. maslaxaadaasi habkay u dhigaan bay ku xidhan tahay. xamar wax dambe oo la gaynaya ma jirto.

    arrinkan siyaasada gudaha ee somaliland waanu ka wadahadalnay, wadahadal ba u socda khaatumo iyo somaliland. dastuurka somaliland in dib loo furo ayaan ku heshiinay.

    kolka isma khuseeyaan hawada sare iyo internal politics ka. khaatumo waa qayb kamid ah dhulkii la odhan jiray estate of somaliland ee xoriyada qaatay 26 june, isku hal dal baanu nahay. hawaduna sideeda hargeysa la gaynaya oo caasimad u wada ah reer waqooyi oo dhan.

    dadkuna hargeysa ayay ku wada dhan yihiin xasuuso hargeysa lamid maahan muqdisho. muqdisho waa magaalo hawiye, hargeysa se waa magaalo dadka reer waqooyiga oo idil ka wada dhaxaysa. bahasha laaxinka nin yahow ka ilaali.

    daalo iyo waxaasi waa magaalo yar. hargeysa ah caasimadii guud ee lagu wada heshiiyay.

    wax yaalo laga wada hadli karo issue aad u daran haka dhigin. sida arrinka calanka waxaynu ku darnay dastuurka in dib loo furo waana sida ay khaatumo codsatay.

    laakiin maamulka hawada in hargeysa la keeno isagoo mid ah maxaad ku diidaysa? madaarka hargeysa waa ka weyn yahay oo ka casriyaysan yahay kan muqdisho, waana ka amni fiican yahay, sababtaas bay international flights ku ugu soo badanayaan egal international airport.

    I’m sure qudhaaduba kolkaad tagayso deegaamada sool waxaad kasoo degta hargeysa egal international airport.

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • kalshale: war aniga waxaaba iiga daran nin waalan oo aan miyir qabin aan waxba kala ogayn ayuu odaygii wax...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay? Kkkk @Turab, duq Galayr waa xaggee guriga uu ku soo noqonayaa?...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay?! Mise futadii xumayd ee Iidoor buu galay. Midda kale, mar la arkaba...
  • Turab: Bismillaah Fadlan, dadka aan reer Khatumo ahayn kama hadli karaan arrimaha Khatumo. Ha la sugo maamulka iyo...
  • qorrog: Qariidadhaye Waar ilaah baan kugu dhaarshee makaa dhabba isla weynaantani? Ma Iidoor oo dhan baad isku...