Loading...
|

Wasiirka Maaliyadda oo is-hortaagay barnaamijka dakhli kordhinta Gobolka Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa la sheegay inuu is hor-taagay qorshaha Gobolka Banaadir loogu kordhinayo miisaaniyadda, gaar ahaan dakhliga uu ka helo Dekeda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa bishii August ee sanadkan hor-geeyay Golaha Wasiirada warbixin ka hadleysa howlaha Gobolka iyo adeegyada lagama maarmaanka ah inuu u qabto shacabka, isagoo codsaday in 10% loo kordhiyo dakhliga Gobolka uu ka helo Dekeda Muqdisho oo hore u ahaa 15%.

Soo jeedinta ka timid Guddoomiyaha Gobolka ee kordhinta dakhliga oo ay aqbaleen Golaha Wasiirada ayaa noqotay mid aakhirkii dambe ka gudbi weyday Wasaaradda Maaliyadda oo laheyd  dar dar gelinta howlaha dakhli kordhinta gobolka.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa la sheegay in dhowr jeer oo hore ka hor-yimid barnaamijka dakhli kordhinta Gobolka Banaadir, waxaana arrintan ay sababtay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ashtako u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodaya in kordhinta miisaaniyadda Gobolka ay tahay mid lagama maarmaan u ah howlaha Gobolka Banaadir uu ku hormarinayo adeegyada uu bulshada u haayo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ballan qaaday inuu Muqdisho ka dhisi doono Iskuulo cusub oo lacag la’aan ah, xarumo caafimaad oo dadka si bilaash ah lagu daaweeyo iyo adeegyo badan oo uu maamulka cusub diyaariyey in lagu soo kordhiyo Gobolka haddii miisaaniyada la dalbay loo kordhiyo.

HR

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51680

Posted by on Oct 4 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

1 Comment for “Wasiirka Maaliyadda oo is-hortaagay barnaamijka dakhli kordhinta Gobolka Banaadir.”

  1. Bismillaah

    Wasiir Beyle, wuxuu isku deyayaa inuu wadanka oo dhan u wada shaqeeyo, gobolka Banaadir, waxay istaahilaan ama ay xaq u leeyihiin, uma diidin umana diidi karo. Gobolka Banaadir taariikhiyan, Somali ayuu cunayey ilaa 60 kii markii xoriyadda la qaatay ilaa iyo maanta. Wixii Somali hanti lahayd iyo wixii mucaawimo la siiyey, waxa lagu dhisayey Xamar. Caqli xumada iyo garasho yaraanta, waxay arkeen dekada iyo airport-ka oo xoogga dakhliyi ka soo baxayo, waxay doonayaan, in isla magaaladii xaqa ummadda ku maqnayd, waqtigan yara adag inay sed bursi sii hesho. Suuratul israa waxa ku jirta aayad odhanaysa macnaheeda ” haka dhigina gacantiina mid ku foorarta dhuuntiina/cunihiina”. Reer Banaadirow iimaanka isku jelisa.

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • kalshale: war aniga waxaaba iiga daran nin waalan oo aan miyir qabin aan waxba kala ogayn ayuu odaygii wax...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay? Kkkk @Turab, duq Galayr waa xaggee guriga uu ku soo noqonayaa?...
  • Ceegaag: War duqii ina Galayr ahaay yaa arkay?! Mise futadii xumayd ee Iidoor buu galay. Midda kale, mar la arkaba...
  • Turab: Bismillaah Fadlan, dadka aan reer Khatumo ahayn kama hadli karaan arrimaha Khatumo. Ha la sugo maamulka iyo...
  • qorrog: Qariidadhaye Waar ilaah baan kugu dhaarshee makaa dhabba isla weynaantani? Ma Iidoor oo dhan baad isku...