|

DAAWO:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xadhiga ka jaray Saldhiga Milateri ee ugu weyn Afrika oo Turkigu ka dhistay Muqdisho-Sawiro+Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xarigga ka jaray Saldhigga Milateri uu Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda Furitaanka Saldhiggan oo goor dhow soo gaba gabowday ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, saraakiil ka kala socday Turkiga iyo Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada Turkiga, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray sladhiggan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waday inuu xarigga ka jaro Saldhigga, sida ka muuqatay jadwalka furitaanka xaruntan oo saaka lagu xardhay hoolka ay ka dhaceysay munaasabadda.

Saraakiisha Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaasha Saldhiggan iyo howlaha uu qaban doono, iyadoo lagu wado in dhowaan lagu arkayo in ka badna 1,500 askari oo lagu tababari doono xerada.

Saldhiggan ayaa u dhameystiran dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka ahaa, sida guryaha la dejinayo ciidamada la tababarayo, garoon kubadda cagta, K/koleyga, teeniska, qeyb orodka, masaajid iyo goobo kale oo ciidamada lagu tababarayo.

Waa saldhigii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana saldhiggan loo dhisay qaab casir ah, waxaana ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Turkiga oo wata gaadiidkooda gaashaaman.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=51502

Posted by on Sep 30 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “DAAWO:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xadhiga ka jaray Saldhiga Milateri ee ugu weyn Afrika oo Turkigu ka dhistay Muqdisho-Sawiro+Video”

  1. Xamar iyo hawlaheedii bad ka dhamman iyo weliba xagaa uiyo noorad kuuriya. waar meelo aan laydinka aqoon oo laydika baahneyn sheekadeeda ka baxoo danta ummadda dhurruq dhaylo ka sheekeeya yaa horufadhi

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...