|

Daawo:Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali oo taageeray Heshiiskii laga gaadhay shaqaaqadii Buuhoodle-Video

Aqoonyahan Jamal Xaaji Cali Cilmi oo Kamid ah Aqoonyahaniita Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa soo Dhaweeyey Heshiiskii Dhexmaray iyo Nabadii Laga gaadhay shaqaaqo dhalinyaro Walaalo ah ku dhexmartay Buuhoodle.

HALKANI KA DAAWO VEDIO

Jamal Xaaji Cali ayaa Dhinaca Kale Ka Hadlay Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland Gaar ahaan Go,aamo Dhawaan ka soo Baxay Kadib Shir Ka Dhacay Magaalada Hargaysa Waxaa uu Jamal Xaaji Cali Ku Baaqay Shirwayne Balaadhan oo Watashi ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=50209

Posted by on Aug 31 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Daawo:Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali oo taageeray Heshiiskii laga gaadhay shaqaaqadii Buuhoodle-Video”

  1. Bismillaah

    Jamaal intii halganku socday 27 sanadood, xagee joogtay, ha i odhan hayada scerdo( waxa yagleelay Mr. A/fatah Gedeye, Canada), maanta, shirkan aad ku dhawaaqday, ma il baad ka garatay? Fadlan, halgankan, rag bay kaga soo baxday 100-laal kun, si ay ummadooda u samato bixiyaan, qaarna waxba, sidoo kale waxayba isku dayaan burburin. Haba ugu bateen, dadka wax ma garatada. Jamal waxaan kuu aqaan Aabaha degmada Ceegaag, keliya, waayo dhisideedii waxaad gelisay xoogaagii iyo waxtarkaagii, carro Khatumo, inteeda kale way ku sugaysey, laakiin kaamay sugayn wixii lagu soo tabcay burburinteeda…WBT

  2. Asc. Turab, adiga iyo Jamaal idin dhexgali maayo lkn hal baan ku darsan lahaa. Yaa Khaatumo isku dayaya in uu burburiyo? Waxaa isku dayaya burburinreeda, ninkii yiri Khaatumo calanlihi ma jidho! Waxaa isku dayaya ninkii saxeexay 10 kii qodob ee dadku ka argagaxeen. Waxaa isku dayaya awrkii heeryadiisa cunay (Galayr). Waar wax muuqda lama qarin karo, ma sagaaraad tahay?

    Si kastaba, Khaatumo ma burburin oo mana burburin karo awrkii heeryadiisa cunay. Waana ta keentay in shir danbe oo dib u qaramanayna la isugu yimaaddo. Wbt

  3. Bismillaah

    Abti, aniga iyo Jamaal isma hayno. Waxaan, naqdiyey, qaabkii uu miisaamka u saaray heshiiska. Aragtidayda Jamaal, wuu ku degdegay, xukunkaa uu riday ee ku saabsan qodobada uu ka hadlay. Halgankan, wuxuu marayaa 27 saadood, laga soo bilaabo, xilligii ina Beydan ciidankiisii loo bilaabay in gudo iyo debed loo soo maro, si ay ugu negaadaan degaankooda. Run ahaantii, hubka dhaashane dadka degaanku miyi iyo magaalo, way u hagar baxeen. Nasiib daro maanta danihii degaanka ayay ka hor yimaadeen, dagaaladii degaanka oo ay kala sooceen, ilaa 2010kii, diideen na, inay meel aan Buhodle ahayn, aanay khusayn iyo iyagoo maanta dad aan u dhalan degaanka siiyey sharaftii iyo karaamadii degaanka, iyagoo cadaw u arka madaxdii dadka degaanku doorteen. Waxay la safteen, cadawga degaanka ( Bilaadu bint ), sheegasho mooyee aan waxba u qaban, oo ay wada macaamiileen, muddo yar ( wixi ka danbeeyey dagaalkii Kalshaale).

    Maamulka Khatumo, ilaa bishii 2aad 2016kii, waxay reer Khatumo ugu yeedhayeen, waar u kaalaya, aynu wax la isku og yahay la gole tagnee. Qofkii ay ku daraan gudiga wada hadalka, wuu is casilayey. Waxa ugu horeeyey oo diiday, isl markiiba Cismaan badawi. Dr. Ali Esse Abdi, oo ahaa ninkii keenay wada hadalka, ka maanta, dhabarkaa laga wada taabtay isaga iyo Sheekh A/rashiid Macalin Faarax, oo 2 baduba ay la dhacsanaayeen kulankii Adisababa, media-ha na waxa ku jira iyagoo la dhacsanaa, qaabkii wada hadalka, u dhacay iyo inay waajib tahay in la wada hadlo. Maamulkan dadkiisu ragaadinayaan, eed maleh. Waana dulmi waxa lagu xagxaganayo. Xitaa 10 qodob ee hadda ay ku saxeexeen hargeysa. Qodobka ka hadlaya Airport-ka, ee dadku ku xajiimeeyeen maamulka. Raggan haysta hubkan dhaashane, waxay af buuxa ku yidhaahdeen diyaarad kama soo degi karto, iyagoo ka wakiil ahaa Bilaadu bint. Haddi la yidhi wixii meesha imanaya maamulka Khatumo ha soo maro, ilayn Hargeysa ma joogtee, ma khalad baa…

    Waxaynu ogayn dadka degan meelaha la haysto, inay sidaa hadda ay isgu wareegalaysanayaan reer Buhodle soo mareen, laguna waayey dhulkoodii.
    Khulaasatul qawl, Alle ha loo noqdo, caqligu ha shaqeeyo, munaafaqadana, waa ehelu naarnimee. Waxa danta dadka ku jirto ha ina wada midayso. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.