|

Daawo:R/wasaare Khayre oo ka hadlay arrrimo Xasaasi ah“Dowladeyda isku shaan dheyn kuma sameynayo,,-Video

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isku shaandheyn ku sameynaayo Golaha Wasiirada xukuumadiisa.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana aanu jirin isku shaandheyn uu ku sameynaayo Wasiirada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Kheyre sheegay in Xukuumadiisa aysan weli jirsan lix bilood, sidaa aawgeed ay sii shaqeyn doonto xukuumada maadaama ayWasiiradu yihiin kuwo howshooda guta.

Kheyre waxa uu carab dhabay in loo baahan yahay marka hore in uu cabiro shaqooyinkii ay qabteen Wasiirada, in ay fuliyeen balantii ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed ay muhiim tahay in wakhti la siiyo
Wasiirada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Mar uu ka hadlaayay dhibaatooyinka ka jira dalka ayuu Kheyre sheegay in dhaqanka ummadda Soomaaliyeed waayahan danbe uu noqday inay sahlan tahay in wax la dumiyo, taasina aanan loo baahneyn, hadii la doonayo horay u socosho.
Sidaa aawgeed waxa uu Mr Kheyre tilmaamay inaanu dhici doonin inuu xilka ka qaado Wasiir ku filan howshiisa ama si wanaagsan u guta ballamihii uu qaaday.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=50192

Posted by on Aug 31 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Dhaqane: Wax garad ka reer khaatumo waa ogyahiin waxa madaxweyne hasan u qabtay iyo waxa uu taraaga Somalidu waxay...
  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.