|

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay arrin umadda Somaaliyeed ku farxeen & Hambalyadda uu u diray shacabka-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Dagaaldega maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo berri ku beegan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed Alle ugu baryay sanadkan sanadkiisa in barwaaqo baraare, caafimaad iyo cimri Eebbe nagu gaarsiiyo, intaasina uu aas aas u yahay amniga.

Madaxweynha waxa uu sii wayn ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa yiri: “haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=50198

Posted by on Aug 31 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...